4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ammaanay Ciidamada Xoogga una sheegay in Mushaaraadkooda ay heli doonaan (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada sarakiisha ciidamadda xoogga dalka ayaa amaanay sida ay ciidamadu u shaqeeyaan.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiiraka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo abaanduulaha ciidamadda xoogga, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa wuxuu madaxweynuhu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimo badan.

Abaanduulaha ciidamadda xoogga dalka ayaa uga warbixiyay madaxweyne Xasan Sheekh howlaha ciidamada xoogga dalka, waxaana markaas kaddib isna hadlay wasiirka gaashaandhigga oo sheegay in ciidamada xooggu ay guulo ka gaareen dagaalladii ay kula jireen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada xoogga dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda ay ku dabar-goynayaan kooxda Al Shabaab, isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay isbeddelka iyo dardarta ciidamada xoogga. Isagoo xusay in ciidamada xoogga ay yihiin kuwo geesiyaal ah.

“Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed uu ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay marka dhinac walba loo eego, gaar ahaan marka loo eego duruufaha ay ku shaqeeyaan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbadiisa.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay ka xoreeyaan Al-shabaab deegaanno badan oo ay dalka kaga sugnaayeen; tusaale ahaan dhawaan degmada Mahadaay ayay xorreeyeen, kuwaas oo ahaa kuwo kooban.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada xooggga in ay ilaaliyaan karaamada ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haddii la rabo in aduunka ay qiimo ku yeeshaan ay tahay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha kuna shaqeeyaan nidaam wanaagsan oo dadka soo jiidan kara.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in dib u soo celinta Qarannimaddii Soomaaliya ay ku xiran tahay ciidamada xoogga dalka, lana doonayo inuu qiimo lahaado, taasina waxay ku xiran tahay in shacabka la dhawro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah.

“Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda koowaad siiso sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga ayna u heli lahaayeen mushaaraadkooda bil walba. Dhaqaalaha dowladda ayaa waxa ugu horreeya ee laga bixin doono waxay noqon doonaan mushaaraadka ciidamada,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeynt, saraakiisha ciidamadda xooga ee kulanka ka qaybgalay ayaa madaxweynaha u ballan-qaaday inay kor u qaadi doonaan akhlaaqdooda iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale ay ka xoreyn doonaan kooxda Al-shabaab goobaha ay dalka kaga sugan tahay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya