4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba oo Sheegay Maanta In uusan ka Qayb-geli doonin shirka ka dhici doona Muqdisho


Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada ee Kismaayo ayaa uga warbixiyay arimo badan oo ay kamid yihiin safarro uu kusoo maray dalal kala duwan, shirka la filayo in uu ka dhaco Muqdisho iyo weliba wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

Masuulkan ayaa ugu horeyn sheegay in shirkii Brussels ka dhacay uu ahaa mid guul u ah guud ahaan umadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in shirkaasi kadib uu booqday dalal ay kamid yihiin Denmark iyo Kenya oo uu xusay in uu kula kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaasi.

Sh. Axmed Madoobe ayaa ka hadlay aragtidiisa Shirka looga hadlayo arimaha Jubbooyinka ee ay dowladda Soomaaliya iclaamisay in 21-ka bishan uu ka dhici donoo magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku ballameen in shirka lagu qabto  magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in uusan ka qeybgali doonin shirkaasi taa badalkeedana uu shirk aka dhici doono Kismaayo.

Hoggaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa eedeyn dusha uga tuuray wafdigii uu hogaaminayay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee dhawaan yimid Kismaayo, wuxuuna sidoo kale sheegay in ujeedada wafdigaasi ay ahayd sidii ay usoo xareyn lahaayeen ciidamada uu hogaamiyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugan duleedka Kismaayo.

“Waan soo dhaweyneynaa, ama ciidanka Barre ha ahaado ama Al-shabaab cid walba oo isa soo dhiibeeysa waan soo dhaweyneynaa,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Gabagabadii Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhawaan uu soo dhameystiri doono qeybaha ka harsan maamulkiisa isagoo intaa ku daray in ay soconayaan la tashiyo iyo shirar ku aadan arimahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Onlin
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya