4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Golaha wasiirada waxaan ku sameyn doonnaa isku shaandheyn, waana ballaarin doonnaa”


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka hadlayay waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii la magacaaba oo ku beegnayd 06-da Oktoobar 2012 oo maanta ku beegan ayaa wuxuu sheegay in isku shaandheyn uu ku sameyn doono wasiirradiisa, isagoo xusay in la ballaarin doono.

Mudane Saacid ayaa sheegay in qorshaha isku-shaandheynta xukuumadda uusan ahayn mid lagu eryayo wasiirrada hadda shaqeynaya, balse qorshuhu uu yahay in la kordhiyo golaha si howsha xukuumadda hortaalla saddexda sano ee soo socota ay wax uga qabtaan.

“Isku shaandheynta lagu sameynayo wasiirrada xukuumadda Soomaaliya macnihiisu ma ahan in la kala eryo wasiirrada, balse waa mid howsha lagu ballaarinayo, waayo waxaa na horyaalla howlo badan oo ay ka mid tahay dib u dhiska dalka iyo caalamka oo na leh sideen idiin la shaqeynaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ma uusan sheegin goorta isku shaandheynta lagu sameyn doono golaha wasiirrada iyo tirada golaha laga dhigayo midna, balse wuxuu sheegay in dhawaan ay howshaan qaban doonaan iyagoo ka dhiganaya tusaale sannadkii ay howsha soo hayeen.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka hadlay howsha amniga lagu sugayo, isagoo sheegay in xukuumaddiisa halkii sano ee ay howsha soo haysay inay xoogga saartay sidii amaanka loo sugi lahaa.

“Xukuumaddu waxay ku dadaashay sidii ay ciidamada dowladdu tababarro u heli lahaayeen, waxayna tababarka ciidamada u soo wareejisay Soomnaaliya gudaheed, halkii horay looga  tababari jiray dibadda. Dunidana waxaanu ku qancinnay in cunno-qabteynta hubka nagala qaado si aan uga soo iibsanno caalamka hubkii aan u baahannahay,“ ayuu yiri Saacid.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha oo sii hadlaya ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab ay wiiqeen, wuxuuna xusay in Al-shabaab aysan caqabad ku ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay muujisay dhawaan inay caalamka oo dhan ku tahay caqabad buuxda.

“Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday dalka Kenya wuxuu caddeyn u yahay inay khatar ku tahay dunida oo dhan, waxaana dunida weydiisanyanaa inay ka geystaan gacan sidii kooxdan loo cirib-tiri lahaa,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay khudbadda uu kaga hadlayay waxqabadka xukuumaddiisa.

Siyaasadda oo uu ka hadlay ayuu sheegay in xukuumaddiisu ay guulo cad ka gaartay dhinaca siyaasadda, isagoo xusay inay u qorsheysan tahay in wax walba oo khilaaf ah oo yimaada aan lagu xallin awood; balse lagu xalliyo hab nabadeed iyo wadahadal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tusaale u soo qaatay heshiis ay dowladdu horay ula gashay ururka Ahlusunna Waljamaaca iyo maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ku tilmaamay inay xukuumaddu u martay hab nabadeed aan awood lug ku lahayn.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay kobcinta dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in markii ay xukunka la wareegayeen dhaqaalaha soo xarooda uu bishii ahaa 2.5 milyan oo doollar, balse ay hadda gaarsiiyeen ingta u dhexeysa 09 illaa 10 milyan oo doollar.

Bankiga dhexe ayuu sheegay in markii ay xilka la wareegayeen ay ku jirtay lacag aan ka yar 60,000 oo doollar. Maanta ay ku jirto lacago fara badan oo ay dowladdu soo xareyso, isagoo sheegay in taasi ay ku timid dadaal badan oo la sameeyay iyo shaqaalaha aamin ah oo howsha loo dhiibay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaalia ayaa xilka loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, waxaana tan iyo xilligaas ay dowladdu dadaallo ugu jirtay sidii ay u kasban lahayd shacabka iyo sidii ay u qaban lahayd howlo badan oo aasaas u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya