4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Sheekh Maxamed Umal oo Sheegay in loogu Hanjabay in la dili doono, balse isagu uu sii wadi doono wacyi-gelinta diimeed

Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Islaamka ee dalka Kenya ayaa sheegay in loogu hanjabay in la dili doono, balse aysan taasi wax cabsii ah gelin doonin oo uu sii wadi doono wacyi-gelinnada diiniga ah.

Sheekha oo dhawaan ka hadlay weerarkii lagu qaaday dhismaha Westgate Mall ee magaalada Nairobi isagoo ku tilmaamay weerarkaas mid fool xun oo aysan diinta Islaamku ogoleyn, isagoo xusay in fariinta hanjabaadda ah ay uga timid Soomaaliya.

“Hanjabaad la iigu sheegayo in la i dilay ayaa iiga timid Soomaaliya, taasina ma ahan mid hor-istaagi doonta wacyi-gelinnada islaamiga ah ee aan wado, waana isi wadi doonaa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Umal.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in loo sheegay in dadka dili doona ay kula suga nyihiin magaalada Nairobi, wuxuuna hanjaabaddan ku sheegay mid qayb ka ah dhibaatooyinka lagu hayo culummada islaamka meel walba oo ay joogaan.

Mar uu ka hadlayay magaalada Nairobi ayuu ku sheegay weerarkii Westgate lagu qaaday inuu ahaa mid aan wax sal ah ku lahayn diinta Islaamka, isagoo sheegay in halkaas lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku jiray howl-maalmeedkooda caadiga ah.

Weerarkii Westgate Mall ayaa waxaa ku dhintay 67-qof, iyadoo 200-qof in ku dhowna ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab oo ka dagalaanta gudaha Soomaaliya.

“Mar kasta oo Xarakada Al-shabaab ay weerarro ka fuliyaan dalka dibaddiisa waxay horseedaysaa in ciidammo hor leh la geeyo gudaha Soomaaliya, balse ma ahan mid sabab u noqon karta in ciidamada ay uga baxaan,” ayuu yiri Sheekh Umal oo sheegay in weerarkii Kampala lagu qaaday sanadkii 2010-kii u sababay in ciidammo badan la geeyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay dilalka culummo badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo la sheegay inay kasoo horjeesteen dagaallada ay Al-shabaab kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Soomaaliya ku sugan ee caawinaya dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya