4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Gaari ay leeyihiin dad shacab ah oo Miino ay kula kacday Xaafada Faanoole ee Kismaayo iyo Dhaawacyo ka dhashay

Axad, October 06, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid xooggan isla markaana si weyn looga maqlayay guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa saaka aroortii ka dhacay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo.

Qaraxan oo la aaminsanyahay in uu ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa uu la kacay gaadiid UD- nooca loo yaqaan oo Iska rogaha ahaa ayna lahaayeen dad rayid ah, wuxuuna sababay dhaawacyo soo gaaray ilaa Sedex qof.

"Gaariga waxa ay miinada kula kacday agagaarka Masjika Xaaji Jaamac, waxay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen darawalkii iyo laba qof oo kale oo gaariga saarnayd,” ayuu yiri goobjooge lagu magacaabo Sadiiq oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Illaa imika ma cadda cida ka danbeeysay weerarkani, haseyeeshee waxaa la aaminsanyahay in qaraxani uu ahaa mid hore meesha ugu aasnaa oo uu dul maray gaadiidka.

Gaadiidka ay miinada la kacday ayaa waxa uu ka shaqeynayay dhisme uu leeyahay Masjidka Xaaji Jaamac oo ku yaal illinka hore ee masaajidka oo ahayd halkii uu qaraxa ka dhacay.

Goobta ayaa waxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba, kuwaasoo sameeyay howlgallo baaritaanno, iyadoona mudadii ay socdeen howlahaasi baaritaannada qadar daqiiqado ah hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada Kismaayo.

Miinooyinka lagu aaso wadooyinka waaweyn ee ay dadku isticmaalaan ayay aalaaba qasaaraha ugu badan kasoo gaartaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya