4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Dowladda Itoobiya oo Shaacisay in aysan u Qorsheynayn in Xilligan ay kala baxdo Ciidamadeeda Gudaha Soomaaliya

Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa shaacisay in aysan u qorsheynayn xilligan inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay ku hanjabtay inay weerarro la beegsanayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, hailemariam Deslaegn ayaa jimcihii shalay ka sheegay Addis Ababa in ciidamada dalkiisu ay sii joogi doonaan Soomaaliya ayna la dagaalami doonaan Al-shabaab.

“Ma jirto qorshe xilligan noo dagan oo aan ciidamadeena uga saarayno dalka Soomaaliya, waxay la dagaalami doonaan Al-shabaab muddo cayiman,” ayuu hadalkiisa ku yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Al-shabaab oo mas’uul ka ahayd weerarkii Westgate Mall oo ay naftooada ku waayeen 67-qof ayaa waxay ku goodisay inay weerarkaas oo kale la beegsan doonto dalalka ay icidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay ku jirto Itoobiya.

“Kooxda Al-shabaab waxay dhawaan u hanjabtay dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya. Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, balse wax cabsi ah nama gelinayso hanjabaaddaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlay ayaa wuxuu mar kale yiri: “Ciidamadeenna way wadayaan taageerada ay siiinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, waxayna Soomaaliya joogayaa illaa inta aan ka xaqiijinayno in Al-shabaab aysan dhibaato ka geysan karin gobolka.”

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay soo galeen Soomaaliay bishii November ee sannadkii 2011, si ay u caawiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo xilligaas dagaal kula jiray xoogagga Al-shabaab.

Hailemariam ma uusan sheegin tirade ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya ku sugan, balse wuxuu ku gaabsaday in ciidamadooda ay yihiin kuwo ku filan howsha looga baahan yahay.

Bishii July ee sannadkan ayay ciidmada Itoobiya ka baxeen deegaanno ka tirsan Soomaaliya, iyadoo horay ay xukuumadda Addis Ababa u sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, balse lama oga sababaha ku keenay inay go’aankaas ka laabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka soo maleegaan weerarro ay ku qaadaan deegaannada ay dowladdu ka taliso oo ay ku jirto Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya