4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Tababar u furay Boqolaal Sarkaal oo ka Tirsan Ciidamada Booliiska Somalia (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tababar u furay boqolaal sakaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Somaalia ayaa ka dalbaday ciidamada booliiska inay la yimaadaan anshax suuban.

Ciidamada tababarka loo furay oo tiradoodu ahayd gaaraysaa 430 sarkaal ayaa wuxuu u socon doonaa tababarkooda 45-casho, iyadoo furitaankii tababarka ay hadallo ka jeediyeen madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn sheegay in tababarka uu si rasmi ahu furan yahay, isagoo intaas kaddib sheegay in loo baahan yahay in ciidamada dowladda ay la yimadaan anshax ay ku kasbadaan shacabka, wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladdu ay dagaal kula jirto koox uu ku sheegay inay yihiin kuwo doonaya in magaca Soomaaliyeed ay tir-tiraan, ayna guushu raaci doonto ciddii ay shacabku la shaqeeyaan ama taageeraan.

“Calaamka maanta waa mid aqooneed, cid aan aqoon lahaynna waxba kama qaban karaan. Ciidanka booliisku waa xirfad u baahan aqoon oo uusan qof walba ka shaqeyn karin, haddii aqoontiinna aad kordhisaan waxaa kordhaysa horumarka aan gaaranyno, ammaanka dalka iyo weliba amniga shacabka iyo askariga shaqeynaya," ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay khdubaddiisa.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA:

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha ciidamada ay tahay mid kaalinta hore kaga jirta howlaha dowladda ay qabanayso sannadaha soo socda, wuxuuna saraakiishan ugu baaqay inay ka faa’iideystaan tababarka loo furayo.

"Waxaan ku jirnaa dagaal, waxaan dagaal kula jirnaa kooxo Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo isku bahaystay inay tirtiraan magaca Soomaaliya iyo calanka. Waxaad ogaataan in ciddii ay shacabku la shaqeeyaan inay guushu raacayso. Marka waxaa la idinka doonayaa inaad la timaadaan anshax suuban iyo inaad shacabka kasbataan," ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay Soomaalidii ku baab'aday doontii maalin ka hor ku dagtay xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay ka carareen amni-darrada dalka ka jirta, balse looga baahan yahay ciidamada booliiska Soomaaliyeed inay muujiyaan in dalka uu ka jiro ammaan la isku halleyn karo, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay inaysan jiri dooni markaa kaddib cid badda isku ridi doonta.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Saacid oo isaguna ka hadlay halkaas ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameeyay howlaha guud ee booliiska Soomaaliya, isagoo sheegay in la furay dugsiga tababarka ee uu booliiska Soomaaliya ku lahaa Baladweyne.

“Isbedellada la sameeyay waxaa ka mid ah in mushaaraadka ciidamada qaar ka mid ah la helay, sidoo kalena waxaa dib u habeyn lagu sameeyay xarunta baarista dambiyada e CID-da,” ayuu yiri jeneraalka.

Saraakiishan tababarka loo furay ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu tirada badnaa oo tababar loo furo tan iyo markii la dhisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya