4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Tacsi u diray Ehellada Dadkii Soomaaliyeed ee ku Geeriyootay Jaziiradda Lampedusa


Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka tacsiyeeyay tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

“Aad baan uga naxay dhimashada ka dhalatay doonta ku dagtay xeebaha Lampadusa, tacsi ayaan u dirayaa qoysaska iyo ehellada ay ka dhintay. Intii dhimatayna Allaha u naxariisto.” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somaila ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, ay si macno darro ah ay ugu dhintaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo-abuurka dhallinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhallinyaradu waa inaysan naftooda ku halligin badaha, qurba-joogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qayb-qaataan dib u dhiska, mana habboona in xiligan loo haajiro dalal kale,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Dooni ku dagtay xeebaha Talyaaniga gaar ahaan Jasiiradda Lambadusa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 111-qof, kuwaasoo ay ku jireen dad Somali ah, iyadoo la badbadiyay 150-qof oo kale, kuwaasoo doonidii sida ay kula dagtay xeebaha Lambadusa, kaddib markii uu dab-qabsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya