4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samed Cali Shire, oo muddo 5 todobaad ka badan booqasho ku joogey degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdigan oo ay ku jreen mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, waxaa si diirran duleedka magaalada Garoowe ugu soo dhoweeyey boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliya iyo midka maamul goboleedka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha C/samed Cali Shire oo dadkii soo dhoweeyey si kooban ula hadlay, ayaa sheegay in ujeedooyinkii ay u tageen Taleex ay wax badni uga soo qabsoomeen, islamarkaana ay natiijooyin wax ku ool ahi kasoo baxeen kulammo ay lasoo qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sool.

"waxad la socoteen muddo afartan maalmood ah in wafdi aan hoggaaminayo aan ugu maqneyn shaqo degmada Taleex iyo deegaannada la xiriira...safarkaas sida aan warbaahinta ka sheegay waxan ugu magac darnay safarka nabadda...waxad la socoteen in dhibaatooyin badan ay dadka deegaankaas dhex yileen...waxaa farxad noo ah in arrimahaas badankood aan ku guuleysaney inaan u helno xal waara" madaxweyn ku-xigeenka Puntland ayaa yiri.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafdigiisa ayaa gaarey degmada Taleex bishii August ee lasoo dhaafay dabayaaqadeedii, waxayna sidoo kale intii ay gobolka Sool joogeen ay booqasho ku tageen deegaano kale oo dhowr ah.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland