4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2013
Danjire Maxbuub Macallim oo Magaalada Minneapolis kulamo kula yeeshay Qurbo-joogta Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Danjire Maxbuub Macllim ayaa caawa kulan ballaran la qaatay jaaliyadaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti waxaana kulankaas ka dhacay  Hotelka Ramaada ee Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Kulankan oo iskugu jiray soo dhaweyn iyo kala warqaadasho waxaa khubda dheer ka jeediyay Xoghaye Injineer Maxabuub, wuxuuna ku dheeraaday xaaladda dalka Soomaaliya.

“Dalka Soomaaliya waa dal xor ah, wuxuuna xubin ka yahay waddamadii iska lahaa fikirkii lagu dhisay IGAD sanadkii 1986, dalalka deriska ah waa caawiyaan Soomaaliya ee ma jirto dhibaato ay ugeysteen ama ay hada ku hayaan” ayuu yiri Injineer Maxabuub oo intaas raaciyay

“Xalka ummadda Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa gacnahooda, iyaga ayaa laga rabaa inay heshiyaan oo isku afgartaan xalinta khilaafaadkooda, inagu waxaan ku caawinay shirar iyo kulamo badan oo uu ugu dambeeyay shirkii Addis Ababa oo ay ku heshiiyeen maamulka Jubba iyo dowladda Federalka iyo shirarkii Carta, Eldret iyo Mbagathi  oo la dhici karo waxay ahaayeen siminaaradii ugu dheeraa ee caalamka”

“Waxaan garan la’ahay dadka Soomaaliyeed waxay ugu heshiin la’yihiin danta guud ee dalka iyo dadka, waxaan Addisa Ababa ku arkay rag saaxiibo ah, oo isku iskool ahaa, ganacsi shirko ku ah, xidid ah, isla soo shaqeeyay, hadana aan isku fahmi karin danta guud iyo dowladnimada, waa arrin cajaa’ib ah” ayuu ku fajacay Danjire Maxbuub.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Inj. Maxbuub oo si qiiro iyo Soomaalinimo ku jirto ula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay dalkooda ku laabtaan iska  markaana caawiyaan dowladda, maalgashi iyo dib u dhisna ka billaaba dhulkooda,  isla markaana si-iskaa wax ugu qabso ah ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo hey’adaha kale ee madax bannaan ee horumarinta iyo gar’gaarka bini’aadamnimada, maadaama ay aqoon iyo cilmi dheeraad ah qurbaha la joogaan.

“Al-shabaab waa in lala dagaalamaa, waayo, waxay khatar ku yihiin jiritaanka Soomaaliya, wacyigalin xoog leh ayaa loo baahanyahay, si aysan maskaxda uga xadin dhalinyaro dambe, waana in loola dagaallmaa qaab siyaasi ah iyo mid milatari”

“Dowladda Soomaaliya ma lahan wax eed ah, waayo  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha kale ee dowladda iyo xaafiisyadeeda  1 sano ayay shaqeynayaan, waxaana ii muuqata inay qabteen shaqo badan oo guda iyo dibada ah mudada kooban ee ay jiraan” ayuu sii raaciyay xoghaye Maxbuub.

Danjire Maxbuub ayaa dhinac kale sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn dhex marta dowladda iyo maamullada gobolka gaar ahaan Somaliland iyo Putland “Ma dhici karto inay jiraan dhowr dowladood iyo dhowr madaxweyne, waxaa muhiim ah in wada shaqeyn guud ay dhacdo, gaar ahaan waa in la sii wadaa wada hadalada Somaliland, waayo waa dad Soomaaliyeed oo ay muhiim tahay in la soo celiyo”

Wuxuu sheegay dowladaha geeska IGAD ay taageero buuxda oo dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ay siinayaan dowladda Soomaaliya.

Jaaliyadaha geeska Africa ayaa soo dhaweyay warbixinta Ambassador Maxbuub waxayba ku booriyeen in la sii dar-dargaliyo howlaha nabadeynta Soomaaliya iyo is dhexgalka dadyowga geeska.

Kulankaas waxaa ka hadlay culimada, cuqaasha, aqoonyanaha, haweenka iyo dhallinyarada gobolka Minnesota , waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada gobolka, Sadiiq Warfaa oo ah siyaasi gobolka iyo geeskaba ka tirsan,  Ibraahim Baraaki oo u hadlay Jaaliyadd Kenya, C/raxmaan Ciise Kaahin oo madax ka ah jaaliyadda Jabuuti, Canab Cali oo ah gabar aqoonyahanad ah, Aadan Amiin Cawad oo Odayaasha u hadlay, Axmed Xirsi oo ka tirsan dhallinyarada Ka-joog iyo Xuseen Xaashi oo ka mid ahaa qaban=qaabiyaashii shirka.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]  
Minneapolis, Minnesota