4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Shil diyaaradeed ay ku dhinteen 11-qof oo rakaabkii Diyaarada ka mid ahaa oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Lagos


Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof ayaa geeriyooday kaddib shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Lagos ee dalka Nigeria, iyadoo diyaaraddan oo ahayd nooca yaryar ay soo dhacday wax yar kaddib markii ay duushay.

Diyaaraddan oo sidday 27-qof oo rakaab ah ayaa ku socotay deegaanka Akure oo ku yaalla Koonfurta-bari ee dalkaas, waxaana uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda duulista oo lagu magacaabo Joe Obi in diyaaraddu ay cillad lama filaan ah kaga mid matoorka.

“Markii diyaaraddu ay duushay wax yar kaddib ayay si lama filaan ah dhluka ugu soo dhacday,” ayuu yiri mid ka mid ah rakaabkii diyaaradda la socday oo isbitaal ku yaalla magaalada Lagos looga daweynayay dhaawac fudud oo kasoo gaaray shilka.

Afhayeen u hadlay hay’adda musiibooyinka deg-degga ah ee Nigeria oo lagu magacaabo, Manzo Ezekeil ayaa AFP u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday qayb ka mid ah garoonka, uuna dab qabsaday.

Idaacado iyo Telefishinno ka howlgala Lagos ayaa tabiyay in diyaaraddu ay sidday maydka guddoomiyihii hore ee gobolka Ondo, Olusegun Agagu, iyadoo shilkan ay ka badbaadeen afar qof oo ka mid ahaa rakaabkii oo aanay waxba soo gaarin, inkastoo ay jiraan dad kale oo ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

“Dab qiiq ayaa is-qabsaday garoonka, waxaana u cararnay halka ay kusoo dhacday diyaaradda, awood uma anaan helin inaan dhaqso daminno, balse howl wanaagsan ayaan qabannay,” ayuu Rasaki Rhokod oo ka mid ahaa cidamadii dab-damiska uu uu sheegay Reutes.

Nigeria ayaa waxaa kusoo laalaabtay shilalka diyaaradaha, iyadoo dalkaas ay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ay dalkaas ka dhaceen shil diyaaradeed oo dhowr ah. Bishii Juun ee sannadkii hore waxaa ka dhacay shil diyaarad oo ay ku dhinteen 163-qof, kaddib diyaarad xamuul badan sidday ay garoonka diyaaradaha Lagos ku dhacday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya