4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Golaha wasiirrada Xukuumadda Somalia oo shirkoodii maanta ku Ogolaaday in Soomaaliya lagu sameeyo baaris Shidaal


Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ee maanta waxay uga doodeen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration iyo warbixinta safarkii ra’iisul wasaaraha ee dalalka Switzerland iyo Turkey.

Shirka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ugu horreyn lagu dhageystay warbixin dheer oo ku saabsan safarradii uu dhawaan ku tegay ra’iisul waasaruhu dalalka Turkiga iyo Switzerland, wuxuuna xusay in safarradaas ay kusoo idlaadeen natiijo wanaagsan, isagoo si gaar ah u xusay in shirkii xaquuqul aadanaha ee ka dhacay Geneva lagu ammaanay doorka dowladda Soomaaliya ee dhawrista xaquuqda bani’aadamka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ka warbixiyay kulamadii madaxda dalka Turkiga uu lasoo yeeshay, wuxuuna ka hadlay heshiisyo iskaashi oo ay la soo galeen, taasoo hay’adaha gargaarka ee dowladda Turkey ay ka fulin doonaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ayaa warbixin amniga ku saabsan siiyay golaha, waxaana wasaarada arrimaha gudaha ay xustay in howlgalo toddobaadkan la sameeyay lagu soo qabtay xubno Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo maleegayay falal ka dhan ah amniga, gaar ahaana howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen degmada Shibis oo lagu soo qabtay afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo hub fara badan.

Golaha wasiirrada ayaa shirkooda uga hadlay xaaladda nololeed ee gobolka Bakool, gaar ahaana degmada Xudur oo laga soo sheegayo duruufo nololeed oo aad u adag, waxayna goluhu u magacaabeen guddi heer wasiir ah oo uu madax u yahay wasiirka ganacsiga iyo warshaddaha, kuwaasoo kasoo talo-bixin doona sida ugu macquulsan ee gargaar loo gaarsiin karo.

Dhanka kale, goluhu wuxuu dib u dhigay shirkii dib u heshiisiinta arrimaha Jubbooyinka looga hadlayo kaasoo dhici lahaa shanta bishan, iyadoo dib loo dhigay illaa 21-ka bishan Oktoobar, waxaana inta ka horreysa jiri doona diyaar-garow buuxa oo ku saabsan qaban-qaabadda shirka.

Ugu dambeyn, goluhu waxay isla ogolaadeen heshiis shidaal sahminta ah oo ay wasaaradda kheyraadka dalka la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration, taasoo sahmin ku sameyn doonta qaybo ka mid ah badda iyo berriga Soomaaliya, kuwaasoo baaxadoodu dhan tahay 60,000 oo KM oo laba jibaaran. Waxayna goluhu soo dhaweeyeen siyaasadda dowladda ee horumarinta maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha si looga baxo faqriga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya