4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Maydadka sagaal qof oo laga soo saaray burburka Dhismaha Westgate Mall ee Magaalada Nairobi iyo Guddi baaraya Weerara

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Maydadka sagaal qof oo cusub oo ka mid ah dadkii maqnaa ayaa laga soo saaray burburka suuqa ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo toddobaadkii hore ay weerareen kooxo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah maydadkan ayaa ku gubtay gudaha dhismahaas oo uu dab ka kacay maalintii ugu dambeysay afartii maalmood oo dhismahaa ay ku hayeen gacanta xoogagga Al-shabaab.

Dadkan ayaa la sheegay inay ku duntay qayb ka mid ah saqafka sare ee suuqaas kaddib markii qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen gudaha suuqaas intii uu socday iskahorimaadka u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo kooxihii weerarka geystay, waxaana weli maqan sida la sheegay tiro dad ah oo aan la hayn nolol iyo geeri.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Taladaadii amar ku bixiyay in la saaro guddi xeer-beegti ah oo soo baara weerarkii suuqa Westgate Mall iyo haddii ay jiraan dal-daloolooyin dhinaca ammaanka ah.

Guddiga ayaa baari doona bal inay jireen digniino kasoo horreeyay weerarka lagu qaaday suuqaas iyo in jawaabta ciidamada ammaanku ay ahayd mid si wanaagsanna u agaasiman.

Kenyatta oo ka hadlayay duco golaha diimaha dalka Kenya ay u sameeyeen dadkii ku dhintay weerarkii Westgate ayaa sheegay in dalkiisu uu iska difaaci doono weerarrada kaga imaanaya xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya oo ku goodiyay mar kale inay weerarro isda-bajoog ah ku qaadayaan dalkaas hadii aysan ciidamadooda kala bixin Soomaaliya.

“Ciidamadeennu way sii joogayaan Soomaaliya, waxayna dagaal adag kula geli doonaan Al-shabaab si looga adkaado, mana baxayaan cidamadeennu inta Soomaaliya ay nabad ka noqonayso,” ayuu Kenyatta ku yiri hadal aad u kululaa oo uu ka jeediyay ducadaas.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatadii Westgate Mall ka dhacday ay ahayd mid ay sameeyeen argagaxiso, aysanna mas’uul ka ahayn Islaamka iyo cid kale, isagoo sheegay in kooxaha argagaxisada ay dhibaato weyn ku hayaan shucuubta Geeska Afrika oo dhan.

Al-shabaab ayaa soo cusboonaysiisay hanjabaadda ku aaddan inay weerarro ku qaadi doonto dalka Kenya shalay oo Arbaco ahayd, iyadoo sheegtay inay sii joogitaanka ciidamada Kenya horseedayso dhibaato kale oo waddankaas ka dhacda.

"Waxaan ka weerari doonnaa Kenya halka ugu xanuunka badan, waxaanu u beddeli doonnaa magaaloooyinkooda qabuure iyo wabiyo dhiig ah oo Nairobi oo dhan mara," ayaa lagu yiri hadal ay Al-shabaab soo saartay.

Dalka Kenya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa waxay tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee 2011 oo laba sano laga joogo ka dhacayay gudaha dalkeed dilal qorsheysan oo ay geysanayso Al-shabaab iyo weerarro u badan qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya