4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Xukuumadda Jabuuti oo mar kale xirtay Afhayeenka Xisbiga USN oo ah Xisbi Mucaarad ah oo kasoo horjeeda Dowladda

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka xisbiga mucaaradka ee dalka Jabuuti, Daahir Axmed Faarax (Deef) ayaa xabsiga la dhigay maalintii koowaad ee bishan Oktoobar, sida barta Twitter-ka ee xisbiga mucaaradka ah ee USN lagu shaaciyay.

Dowladda Jabuuti kama aysan hadlin weli xarigga afhayeenka xisbiga USN ee mucaaradka ah, iyadoo ay tahay markii saddexaad afhayeenkan la xiro tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan oo uu dalkaas dib ugu laabtay kaddib sagaal sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Belgium.

“Xisbiga USN wuxuu dhaleeceynayaa xarigga xukunka kali-talisnimada ah ee dalka Jabuuti uu u geystay afhayeenkii xisbiga. Tanina waa mid u muuqata in cadaadis qorshaysan lagu hayo dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee xisbiga USN,” ayaa lagu yiri warbixin uu xisbigu soo dhigtay Twitter-ka.

Sidoo kale, warbixinta xisbiga mucaaradka ah ayaa lagu sheegay inuu ka dalbanayo xukuumadda Jabuuti inay si shuruud la’aan ah kusii dayso Deef iyo xubnaha kale ee mucaaradka ah ee ku jira jeelasha dalkaas.

Mr. Faarax ayaa dhowr jeer hore loo xiray arrimo ku saabsan dhaqdhaqaaqa uu xisbigoodu ku diiddan yahay doorashadii baarlamaaniga ahayd ee bishii Feberaayo ka dhacday dalka Jabuuti, taasoo ay guushu ku raacday asxaabta talada dalkaas haya.

Xariggan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo wadahadallo ay u billowdeen bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay isbahaysiga talada Jabuuti haya ee midowga aqlabiyadda madaxtooyada iyo xisbiga mucaaradka ah ee USN, kuwaasoo la doonayay in lagu qaboojiyay muranka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo mucaaradka, isagoo sheegay inuu kula hadlayo wax walba oo ay dalbadaan si muranka jira loo dhameeyo, balse lama oga ilaa hadda sababta keentay xariga afhayeenka xisbiga mucaaradka ee USN.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya