4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
AFHAYEENKA AMISOM: “Waxaa loo baahan yahay ciidammo dheeraad ah iyo in Ciidamada Soomaaliya dib loo dhiso”


Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay u baahan yihiin taageero caalami ah iyo ciidammo ka yimaada dalalka Afrika ee aan ciidamada ku taageerin si howsha nabad raadinta Soomaaliya loo sii xoojiyo.

Col. Xumad oo u warramayay shabakadda Sabahi Online ayaa sheegay inay horumar ka sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda dhinacyada ammaanka iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, balse ay taageero intaas ka badan u baahan yihiin.

“Maanta waxaan arkaynaa in nolosha Muqdisho ay si caadi ah kusoo laabtay, diyaarado caalami ahna ay maalin walba kasoo dagayaan garoonka,” ayuu yiri Col. Xumad oo intaas ku daray. “Sidoo kale waxaan arkaynaa inay rajo gelisay dad badan horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, waxaana dib ugu soo laabaya Soomaalidii dibadaha jiray iyadoo dad kale oo aan Somali ahaynna ay imaanayaan.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in howgalka AMISOM uu u baahan yahay in laga siiyo gacan howsha uu ka hayo Soomaaliya. Isagoo dalbaday in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dib u dhiskooda laga qaybqaato.

“Ciidamada Soomaaliya waxay heleen tababarro, balse ma haystaan hub ay ku howlgalaan, waxayna u baahan yihiin dib dhis xoog leh iyo inay helaan mushaaraadkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, dalalka aysan ciidamada ka joojin Soomaaliya wuxuu ugu baaqay inay ciidammo u soo diraan Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu sheegay inay meelo yar-yar kaga suga tahay Soomaaliya.

“Waxaa loo baahan yahay ciidammo, waxaa loo baahan yahay hub,” ayuu ku daray hadalkiisa isagoo mar kale yiri: “Ciidamada qaarkood tababarro ayay qaateen. Ciidammo kalena waa la tababarayaa. Howshu waa mid meel sare maraysa, balse shaki kuma jiro in ciidammo kale loo baahan yahay.”

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Dal walba oo Afirkaan ah mas’uuliyad ayaa ka saaran inuu caawiyo Soomaaliya xilligan. Dalalka kale ee dunidana waa inay bixiyaan kaalmooyinka loo baahan yahay.”

Col. Xumad wuxuu u mahadceliyay dalalka taageerada siiya AMISOM, isagoo xusay in xukuumadda Soomaaliya ay u baahan tahay in gacan laga siiyo dib u dhiska ciidamadeeda, taasna ayna tahay mid lagama maarmaan ah in laga caawiyo baahidooda.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa wuxuu soo billowday lix sannadood ka hor, waxaana ku sugan dalka hadda 7,500 oo askari oo ka socda shan dalk oo ay ku jiraan kuwa dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Jabuuti, waxaana ay sidoo kale ciidamadan ka socdaan dalalka Burundi, Uganda iyo Sierra Leone.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya