4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo sheegay in Xukuumaddu ay ka shaqeynayso Nabadda iyo sidii ay doorasho u dhici lahayd 2016-ka


Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumaddu ay ku guulaaysato ballan-qaadyadii ay horay u sameysay, gaar ahaan in la gaarsiyo dalka doorashooyin xor ah.

Mudane Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo barwaaqada, kaddib 22-sano oo ay ka jireen colaad iyo burbur dhinaca dhismayaasha ah.

“Iyadoo laga faa’iideysanayo taageerada joogtada ah ee calaamka, waxaanu gaarsiinaynaa Soomaaliya in sannadka 2016-ka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo qof walba oo Soomaaliyeed uu ku soo dooranayo ciddii dalkan madax ka noqon lahayd,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan meel-marinta dadaallada ay waddo xukuumadda si uu dalku u gaaro hourmarka la doonayo in la gaarsiiyo, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dhankooda inay Soomaaliya ku hagaan jidka dimuqraadiyadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa qaybaha ay dalka uga sugan tahay.

“Xukuumadda waxaa ka go’an inay dalka ka saarto Al-shabaab oo dhibaato ku haysa shacabka Soomaaliyeed, waayo kooxdan waxay caddeysatay inay khatar ku tahay deggenaashaha gobolka oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in qorshaha dib u dhiska dalka uu fursad weyn u yahay Soomaaliya uuna rajeynayo in bilicdii dalka ay dib u soo laabato sannado fara badan kaddib.

Qorshaha Higsiga cusub ama New Deal ayuu sheegay inuu yahay mid dunidu ay ku caawinayso Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay ka fogaadaan is-qabqabsiga si qorshahan lagu caawinayo Soomaaliya uusan u noqon mid guul-darreysta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya