4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Jaaliyadda Gobolka Hiiraan ee magaaladda Minneapolis oo barooqdiiq u sameysay dadkii lagu xasuuqay magaaladda Beladweyne (Sawirro)


Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) - Jaaliyadda gobolka Hiiraan ee ku nool magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xalay iskugu yimid kulan tacsi iyo baroordiiq ah, kaas oo ay ugu duceeyeen dadkii lagu xasuuqay magaalada Beledweyne 20-kii bishan.

Tacsida waxaa qadka telefoonka uga soo qeyb galay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay inaan Alshabaab iyo argagixisada laga adkaan karin ilaa ummaada Soomaaliyeed ay midoobaan.

“Haddii dadka Soomaaliyeed ay la yimaadaan midnimo, mushkilada Alshabaab waa fududaaneysaa in la xalliyo, laakiin inta aan kala qoqobanahay, dhibaatada argagixisadu waa sii badaneysaa” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Farmaajo.

Abuukaate Sheekh Xasan Jaamici oo k a mid ah culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa yiri “Alshabaab waxay sameynayaan  waa baadil, diin shaqo kuma lahan, culimada Soomaaliyeed fadwo ayay ka soo saareen, ha la iska celiyo, waana dambiileyaal”

“Alshabaab waa cuquubo Illaahey u soo diray Soomaaliya, waxaase looga gudbi kara, inaan ilaahey u noqono oo aan tooba keenno, is cafino iyo in la isku oggolaado xaquuqaha aan isku leenahay, sida xuquuqda sinaanta (baa’binta 4.5) iyo wixii hanta ah ee la kala heysto" ayuu sii daba dhigay Shekh Xasan.

C/qaadir Cusmaan Nuur (Oomo) oo ka mid ah odayaasha jaaliyadda Hiiraan ayaa isna ka warbixisay dhibaatadii ka dhacay magaaladda Beletweyn.

“Waa xasuuqii labaad ee Alshabaab ay ka geysteen magaaladda Beledweyn, hada ka hor waxay xasuuqeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen Allaha u xaxariistee Col. Cumar Xaashi iyo Ambassador Laqanyo, hadana waxay xasuuqeen dad kale oo masaakiin ah, 19 qofood ayaa ku dhintay qaraxaas, 45 waa dhaawac” ayuu yiri Oomo.

“Maahan in baroordiiqdu soo noq-noqto, aan iska celino Ashabaab, dowladdana aan taageerno, waayo haddii an isku raacno inaan dowlada la shaqeyno waxaa soo noqonaya ammaanka iyo kala dambeyta dalka” ayuu yiri Ibraahim Abiikar oo mid ahaa soo qaban-qaabiyaashii kulankan tacsida ahaa.

Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Aadan Axmed Ugaas, C/qaadir Cadow, Sadiiq Warfaa, Ahmed Shuuriye, Shaafi Xaashi, sheikh cabdirashiid ijaabo,  iyo Sheikh Cabdiraxman Shariif.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota