4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Murashaxa madaxtinnimada Puntland Xaaji Maxamed Yaasiin oo maamulka Puntland uga digay inay colaad ka abuuraan Taleex
Mohamed-Yassin2.jpg
Isniin, October 28, 2013(HOL) - Xaaji Maxamed Yaasiin oo u sharaxan Madaxtinimada Puntland doorashada soo socota ee la filayo inay Puntland ka dhacdo ayaa shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Nairobi waxaa kaga hadlay xaalada Puntland gaar ahaanna shirka ka socda Magaalada Taleex ee gobolka Sool iyo wafdiga uu maamulka Puntland halkaasi u diray.

Xaaji Maxamed Yasiin ayaa ugu horeyn ku dheeraaday inuu ka hadlo  Shirka taleex iyo siday muhiim u tahay in beel meel degani tashan karto laakiinse waxaa uu aad ugu dhaliilay maamulka Puntland wafdida halkaasi uu u diray ee uu hogaaminayo Gen Cabdisamad Cali shire.

Murashaxan Madaxtinimada Puntland ayaa intuu uu ka hadlayey Shirka taleex iyo ciidamada Puntland halkaasi u dirtay waxaa uu si cad ugu cel celiyey in Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Craxmaan Faroole uu ku dhaqaaqay tallaabo khaldan oo hada hadaan wax laga qaban hadhow ay adkaan karto in wax laga qabto.

Waxaa uu murashax Xaaji Maxamed Yaasiin si kulul ula hadlay oo farriin ugu diray Gen Cabdisamad Cali shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo isagu hogaaminaya waftiga ka socda Puntland ee taleex gaaray.

Xaaji maxamed Yasiin – Murashaxa madaxtinimada Puntland ayaa ka sheekeeyey khasaaraha laga dhaxlo colaado noocaan oo kale ah isagoo ka dalbaday inuu ka noqdo tallaabada uu qaaday.

“Hadii la ilaalinayo ammaanka Garowe oo hubka iyo wax walba aan loo ogolayn , maxaa ciidamo iyo hub loo dulgeynayaa oo loogu duulayaa Dadka degan taleex ee aayahooda ka shiraya , Waa maxay waxa aan banneeneyn dhiiga Garowe ee banneynaya dhiiga dadka reer taleex “ Ayuu yiri Xaaji maxamed yaasiin oo weriyayaasha kula hadlayay magaalada Nairobi.

Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sidoo kale baaq u diray odayaasha dhaqanka iyo qurbo joogta reer Puntland oo uu ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan sidii Puntland aysan uga dhici lahayn wax colaad ah , Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa si gaar ah dadka reer Puntland ugu baraarujiyey in loo baahanyahay in dadku meel uga soo wada jeestaan Colaad uu murashaxu sheegay in Maamulka hada jira ka abuurayo Taleex.

Murashax xaaji maxamed yaasiin ayaa shirkan jaraid sidoo kale kaga hadlay amaanka caasimada Garowe xiliga doorashada oo uu sheegay in Madaama Madaxweyne Craxman Faroole murashaxyahay ay awooda dalka iyo maaliyada laga wada tashanayo sidii dad dhex dhexaad ah ay u maamuli lahaayeen.

Hadalka Murashax Xaaji Maxamed Yaasiin oo u tartamaya madaxtinimada Puntland  ayaa imaanaya iyadoo uu socdo shirka taleex halkaasi oo beelaha wada dega kaga arinsanayaan aayahooda isla markaasina maamulka Puntland uu u diray halkaasi wafdi iyo ciidamo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen, Cabdisamd Cali shire.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya