4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Qaar ka mid ah Xarumaha ganacsiga ee Magaalada Nairobi oo amnigooda la adkeeyay kaddib Farriimo digniin ah oo la helay

Nakumat.jpg
Isniin, October 28, 2013(HOL) - Ammaanka qaar kamid ah xarumaha waawayn ee ganacsiga magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay kadib markii la helay farriimo cabsi xambaarsan oo sheegaya in goobahaas lagu qaadi doono weeraro argagixiso.

Xarumaha ganacsiga ee Prestige iyo Nakkumat Junction ee magaalada Nairobi ayaa ammaankooda aad loo xoojiyay iyadoo dadka goobahaas u dukaamaysi tagaya baaritaano dheeri ah la marinayo si loo xaqiijiyo ammaanka, xilli dad goobahaas ku sugan loo soo diray farriimo sheegaya inay isaga cararaan halkaas maadaama lagu qaadi doono weeraro argagixiso.

Maamulka xarumahan ganacsi ayaa cabashooyin u gudbiyay booliska taasoo keentay in ammaanka si aad ah loo adkeeyo.

Mid kamid ah saraakiisha ammaanka ee xarunta ganacsiga ee Prestige mall oo ku taalla wadada Ngong Road ee magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in mid kamid ah macaamiishooda loo soo diray farriin muujinaysa in shacabka ay halkaas isaga baxaan galabkii sabtida ahayd.

“Waxaa idin ku soo fool leh weerar argagixiso’ ka carar meesha” ayaa ku qornayd farriinta loo soo diray macmiilkan sida uu sheegay sargaalkan dhinaca ammaanka ah.

Macmiilkii farriinta loo soo diray ayaa la cararay ilmihiisa oo goobta ku sugnaa isagoo ay ka muuqato cabsi lixaadleh.

Booliska oo adkeeyay ammaanka inta badan xarumaha ganacsiga ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale bilaabay baaritaanka halka ay ka yimaadeen farriimaha argagaxa wata ee la dirayo macaamiisha qaar kamid ah xarumaha waawayn ee sida aadka ah looga dukaamaysto, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada booliska ee Kilimani oo magaaciisa la yiraahdo Peter Katam ayaa sheegay inay ammaanka xoojiyeen oo sare u qaadeen baaritaannada ay ka samaynayaan labadan xarumood ee ganacsiga oo si aad ah ay uga dukaamaystaan dadka qaniga ah ee Kenyaatiga ah iyo waliba dadka ajnabiga ah ee dalxiiska iyo shaqooyinka u yimaada dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa ka digay inay suurtowdo in weeraro kale oo argagixiso lagu qaadi karo dalka Kenya kadib markii ay dhaceen weeraradii Westgate oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 67 qof.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya