4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula Kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Ganacsiga iyo Horumarka Holland (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah wasiiradda arrimaha dibadda, ganacsiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dalka Holland oo ay la socdeen shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey wasiiradda booqashada ay ku timid Soomaaliya oo ah calaamad xoogan oo tuseysa horumarka balaaran ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

“Booqashadaadu waxay ka mid tahay wafdiyo caalami ah oo maalmahan soo booqanyay Soomaaliya; aad iyo aad baan ugu faraxsan-nahay inaan dalka kusoo dhaweynno wasiiradda, taasoo na tuseysa horumarka ammaanka ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay beesha caalamku u aqoonsan yihiin Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Xiriir qoto-dheer baa labadeena dal ka dhaxeeya oo weliba Holland ay deggen yihiin Soomaali badan. Waxaan dowladda Holland uga mahadcelinayaa dadaalkooda iyo is-garab istaaga ay nala garab-joogaan. Qorshaha New Deal-ka loogu magac-daray ayaa noo ah billow fiican oo tusinaysa xiriirka caalamka iyo Somalia.”

DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha Somalia ayaa intaas ku daray in dukumiintiga Higsiga Cusub ay dadka Soomaaliyeed sameysatay uuna qeexayo baahida dib u dhiska lagu sameynayo dalka saddexda sano ee soo socota. Waxaana ka rajeyneynaa buu yiri in dowladda Holland ay qorshahaas nala garab-istaagto si aan ugu guuleysano in dalkan dib loo dhiso dhammaan hay’adihii dowliga ahna aan dib u dhisanno, isla markaana bulshada Soomaaliyeed la wada-gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

“Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Somalia dib ugu soo noqday waana inaan fursadahaas ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaa in ay Soomaaliya nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeenna ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka,”  ayuu mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Dowladda Holland inay shirkadaheedu dalka ay yimaadaan waxay caddeyn u noqonaysaa horumarka ballaaran ee sannadkii lasoo dhaafay laga gaaray dhinacyo badan oo na-tuseysa in caalamku diyaar u yahay inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya. Dowladdu waxay wadaa shuruucdii maalgashiga oo baarlamaanka horyaalla oo tusaya in ganacsida iyo maalgashiga Soomaaliya ay yihiin kuwa sharciyeysan oo keeni kara in dhaqaalaha dalka uu kordho. “

Dhanka kale, wasiiradda oo iyaduna ka hadashay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen iyada iyo madaxweynaha Soomaaliya ayay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay inay booqasho ku timaaddo Soomaaliya, iyadoo xustay inuu dalkeedu sii wadayo wada-shaqeynta kala dhexeysa dowladda iyo shacabka Soomaailyeed iyo weliba kaalmooyinka ay Soomaaliya siiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya