4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Madaxweynaha Somalia oo la sheegay inuu ka baaqday safar uu Maanta ku tegi lahaa Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo

Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Kisamayo ee xarunta gobolka Jubbda Hoose, iyadoo la sheegay in laba casho kaddib uu booqan doono magaaladaas.

Saakay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday diyaar-garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Soomaaliya, balse wariyeyaal ku sugan magaaladaas ayaa sheegay in lagu wargeliyay in madaxweynuhu uu baaqday.

“Mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa nagu wargeliyay in dib u dhac uu ku yimid safarkii uu madaxweynuhu ku imaan lahaa Kismaayo, mana garanayno sababta,” ayaa laga soo xigtay wariyeyaal Kismaayo ku sugan oo ka mid ahaa kuwii isku diyaarinayay inay garoonka diyaaradaha aadaan.

Lama sheegin sababta keentay in madaxweynaha Soomaaliya uu mar kale ka baaqdo safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo muddo hal toddobaad gudaheed ah, waxaana magaaladaas kaga horreeyay wafdi uu horkacayay waisirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu u baaqday arrin la xiriira safar uu ku tagayo dalka Turkiga, inkastoo aanu warkan ahayn mid ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo Kismaayo ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu ugala hadli lahaa mas’uuliyiinta KMG ah ee maamulka Jubba heshiiskii ay dowladda la galeen iyo mad-madow soo dhexgalay labada dhinac.

Ma jiro illaa hadal hadal kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo ku saabsan baaqashada madaxweynaha uu ka baaqday inuu safar ku tago magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya