4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo dadaal ugu jira sidii loo kordhin lahaa ciidamada AMISOM loona dhisi lahaa kuwa Somalia


Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Ki-Moon ayaa soo jeediyay in ciidamada Midowga Afrika lagu kordhiyo 4,000 oo askari oo cusub, laguna taageero diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopters-ka iyo qalabka kale ee ay u baahan yihiin si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Hadalka Ban ayaa kusoo beegmaya xilli Al-shabaab ay sheegatay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Nairobi ee bishii hore, kii Kampala ee 2010 e ay ku dhinteen 76-qof iyo weliba weerarro dhowr ah oo sannadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay dhawaan yeeshaan shir ay kaga hadlayaan kordhinta ciidamada AMISOM iyo weliba sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska ciidamadooda iyo qalabeyntooda.

Ban ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka heli jireen dekedda Kismaayo lacag gaaraysa 25-milyan oo doollar, isagoo sheegay in lagu guuleystay 2012 in laga saaro halkaas, waxaana hadda ku sugan ciidammo ka socda Kenya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Laakiinse ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dhoofiyaan dhuxusha dekedda Kismaayo, taasoo Qaramada Midoobay ay horay u mamnuucday.

Dhawaan ayay mas’uuliyiinta Kenya sheegeen inaysan ciidamadooda kala bixi doono Soomaaliya, iyagoo ku goodiyay inay kula dagaalami doonaan Al-shabaab gudaha Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay qorsha lagu kordhinayo ciidamada AMISOM, gacantana looga geysnayo dhismaha ciidamada xoogga dalka, taasoo ay sheegeen madaxdu inay gacan ka geysan doonto sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya