4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
“Geeridii Tima-cadde waxaan u Haysannaa Dowladda inta ay war cad kasoo saarayso” Mas’uul u hadlay Telefishinka Universal

Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Madaxa Universal TV ee bariga iyo bartamaha Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye oo la hadlay warbaahinta aaskii wariye Tima-cadde ayaa sheegay in geerida wariyaha ay u haystaan dowladda ayna tunka ku dhaganaan doonaan tan iyo inta ay war cad kasoo saarayso.

Kulmiye ayaa sheegay in dowladdu ay iyada ballanqaaday ammaanka wariyeyaasha iyo shacabkeeda, iyaguna aysan ku qanci doonin oo keliya in la cambaareeyo, laakiinse ay doonayaan inay dowladdu gacanta ku soo dhigto kuwii dilka wariyaha geystay.

“Geerida Tima-cadde waxaan u haysannaa dowladda, inta ay war cad kasoo saaraysana kama harayno tunka ayaan ku dheggenaan doonnnaa,” ayuu yiri madaxa Universal ee xafiiska Muqdisho.

Sidoo kale, mas’uulkan wuxuu sheegay isagoo dhaaranaya inaysan aqbalayn in madaxdu ay cambaareeyaan dilalka wariyeyaasha oo keliya, balse ay ka doonayaan inay soo qabtaan kuwii dilka Tima-cadde geystay ayna sharciga horkeenaan.

Marxuum Maxamed Maxamuud (Tima-cadde) ayaa u geeriyooday habeen hore dhaawac ay u geysteen kooxo hubeysan Tallaadadii lasoo dhaafay xilli uu ku socday goobtiisa shaqada, iyadoo kooxaha dhaawiciisa geystayna ay goobta ka baxsadeen.

“Wallaahi kuma qancaynno cambaareyn laga sheego warbaahinta oo keliya, oo welina aan ognahay inaysan iyagu qorin ee ay qoraan xoghaynnadooda, balse waxaan ka doonaynaa madaxda dowladda iyo hay’adaha amniga inay sharciga horkeenaan kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha,” ayuu Kulmiye ku sheegay hadalkiisa.

Dhanka kale, mas’uulkan ayaa hadalkiisa ku sheegay in maalin walba la duugo wariye, saxaafadduna aysan dhaafin waxaa dishay kooxo hubeysan oo aan la garanayn, madaxda dowladduna aysan dhaafin cambaareyn oo keliya.

Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu adkaa ee uu jeedo mas’uul ka tirsan warbaahinta Soomaalida, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka bixin hadalka mas’uulkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya