4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Soomaalida ku nool Magaalada Boston oo markii ugu horeysay si wadajir ah u Taageeray Musharraxa duqa Boston (SAWIRRO)

Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) - Xaflad ay soo abaabuleen Soomaalida ku dhaqan magalada Boston ee gobalka Massachusetts USA oo ay ku muujinayeen taageerida musharaxa duqa magaalada Boston John Connolly ayaa ka dhacday  habeenimadii Axada oo tariikhdu ku adaneeyd  Oktoobar 27keedii magaalada Boston.

Sooomaalida isugu timid xafladan oo muujiyay taageero aad iyo aad u xoogan, iyadoo arintani ay tahay midii ugu horeeysay oo noocani ah kana dhacday magaalada Boston.

Mr John Connolly oo ah nin aqoon dheer u leh Soomaalida reer Boston, wuxuuna ahaa macalin ka tirsan macalimiinta wax ka bara dugsiyada magaaladan Boston, isagoo aad u cawiyay qooysasaka Soomaaliyeed xilligii ay ku cusbaayeen dalkan Markeynka.

Taageeradan buuxda ee musharaxa Duqa magaalada Bosoton ayaa timid kadib markkii ay soo baxday in ay Soomaalida ku nool Boston ku hoos jireen qowmiyado kale wax qabadkoodana uu aad u yaraa, shirar badan  kadib markii ay aqonyahanada, culumaa'udiinka, haweenka, dhalinyarada iyo bushada qeeybeheeda kala duwan ee soomaaliyeed isugu yimadeen kana tashteen cidda wax u qabankarta, ayees waxay si buuxda isugu afgarteen in ay dantu ugu jirto in ay doortaan mudane John Connolly.

Soomaalida waa dadka ugu badan umadaha Afrikaan ka ah iyo Muslimiinta ee soo dagay magaalada Boston sanadihii ugu danbeeyaya, marka laga reebo dadka Afrikaan Americanka.

Deeqo Jabril oo ka tirsan gudiga qaban qaabada xafladan ayaa waxa ay ku amaantay sida ay Soomaalidu, u muujiyeen in codkooda oo wada ajir ah, ay wax ku doorankaraan, sidoo kale Cabdiraxman Maxamud (Hiiraamow),  Cabdullahi Gurxan (madeey), Maxamed Maxamuud Xabeeb, Maryan Gaas, Shiikh Yusuf Cabdulle, Sahro Warfaa, Saciid Axmad, xuseen fiin, baclaawi (nageeye), Mahdi axmed cali, Safiyo maxamed, cabdulqadir yasiin, ayaa dhmaantood carabka ku dhuftay iskuna raacay fursadan taariikhiga ah oo ay somalida Boston ku garteen in aan lagu matalin magaladan Boston.

Doorashadan duqa magalada boston oo ku beegan bisha soo socota ee Nofember 5teed.

Hiiraan Online
Boston, USA