4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
MADAXWEYNE FAROOLE: "Musharraxiinta looma ogola ilaalo gaar ah, anagaa ammaankooda sugayna"

Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlayey shir-jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen isaga iyo safiirka dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Andrea Mazzela -oo shalay Garoowe soo gaarey- ayaa soo hadalqaaday doorashada madaxtinimada Puntland ee dhici doonta bisha Janaayo sanadka 2014.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ballan qaadeyso in doorashadaasi ay noqoto mid si xor ah ku dhacda, isagoo sidoo kale sheegay in la tixgelin doono cid kasta oo isa soo sharaxda.

"waxan ka shaqeyneynaa sidii aan horay u cadeynaba in doorashadaasi ay noqoto mid cadaalad ku dhisan...oo aan cidna dhibaato loo geysaneyn ammaankana ay dowladdu mas'uul ka tahay" Madaxweynaha Puntland ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in dowladdu ay sugi doonto ammaanka musharixiinta, sidaas darteed aan la ogolaan doonin in musharixiintu ay ilaalo gaar ah sameysataan.

Madaxweynaha oo taas ka hadlaya wuxuu yiri: "ciddii dooneysa inay u baahato ammaan dheeraad ah in loo sameeyo, anagaa u ballan qaadeyna annagaa siineyna...lama ogola inay yimaadaan ciidamo beeleedyo iyo hub tikniko ah"

Ma ahan markii ugu horeysey ee uu Madaxweyne Faroole sheego in xilliga doorashada aan musharixiinta loo ogolaan doonin in ay sameystaan ilaalo gaar ah oo hubeysan, haseyeeshee wuxuu arrintan ka dhawaajiyey dhowr mar oo hore.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland.