4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Xiritaanka Idaacadda Shabelle

Axad, October 27, 2013(HOL) :- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiritaanka idaacadda Shabelle oo shalay ciidamo ka tirsan dowladda ay ilbaabada isugu dhufteen, waxaana ay xukuumaddu sheegtay in laba mar oo hore ay u geeyeen digniinno ahaa in ay baneeyaan xaruntaasi.

Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in idaacadda Shabelle ay bilihii lasoo dhaafay laba mar u geeyeen warqado digniin ah, haseyeeshee wuxuu xusay in ay iska dhago tireen, sidoo kalena maamulka idaacadda Shabelle ay diideen in ay iska soo diiwaangeliyaan wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay maamulka idaacadda shabelle in ay iska dhago tireen awaamiirta uga imaaneeysay dawladda ee ku aadanaa baneynta guriga Somali Airline oo xarun u ahaa idaacadda.

Mudane Ciilmooge ayaa sidoo kale sheegay in ay baneeyeen ilaa shan guri oo kale oo ay lahyd dawladda, kuwaasoo uu xusay in loo deganaa si sharci darro ah, isagoona sheegay in Soomaaliya ay imika yeelatay dowlad rasmi ah oo la aqoonsanyahay islamarkaana wasaaraduhu ay qabsanayaan howlahooda.

“Waxaan rabaa inaan fursadda uga faa’iideysto in ay dadku fahmaan inuu soo afjarmay dagaalkii sokeeye, in dowladdu noqotay dowlad aan KMG ahayn oo taam ah, howlaheedii iyo masuuliyadeedii lasoo noqotay, wax badan baad iga maqasheen isbedelka dadku ha ogolaado,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday AUN Marxuum Max’ed Max’uud TImacade oo xalay ku geeriyooday Isbitalka Madina, halkaasoo looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray rasaas ay ku fureen kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Mogadisho-Soomaaliya.