4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Soomaali fara badan oo loo diiday in ay galaan Magaalada Kampala ee dalka Uganda iyo Ammaanka Dalkaas oo si aad ah loo adkeeyay


Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Soomaali fara badan ayaa dhowrkii casho ee lasoo dhaafay laga soo celiyay dalka Uganda, kaddib markii ay waayeen cid ay damiinata ayna sheegi waayeen goobta ay rasmi ahaan u socdaan.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda, Abuukar Garweyne ayaa BBC-da u sheegay maanta oo Axad ah in dadkaas oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala.

“Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Entebbe, waxaana arrintan kala hadalnay hay’adaha ammaanka Uganda, waayo innagu waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaaliya ka imaanaya,” ayuu yiri Abuurkar Garweyne.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta dadkaas loogu diiday inay dalka Uganda soo galaan, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan dadaallo ay arrintaas kaga hortagayaan.

“Waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaalida ah ee dalka Uganda imaanaya, markii qofka laga soo qaado garoonka waxaa la keenaa xafiiska, halkaasoo lagu diiwaan-geliyo, kii waxbarasho u socday, kii arrimo qoxootinimo u socday iyo kii caafimaad u socday intaba,” ayuu Garweyne ku daray hadalkiisa.

Xukuumadda Uganda ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay weerarro ka geysanayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa bishii hore weerartay rugta ganacsiga Westgate Mall oo ku taalla magaalada Nairobi, taasoo keentay in ammaanka dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya aad loo adkeeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya