4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Booliska Maamulka Somaliland oo xabsiga u taxaabay guddoomiyaha xarun lagu dhaqan-celinta carruurta Derbi-Jiifka ah


Guddoomiyaha Xaruunta dhaqan-celinta carruurta Derbijiifa ee magaalada Hargeysa, Marwo Luul Xasan Mataan


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) - Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay marwo Luul Xasan Mataan oo ah Guddoomiyaha Xaruunta dhaqan-celinta carruurta Derbijiifaka, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen howlwadeeno ka shaqeeya xaruuntaas

Marwo Luul Xasan ayaa hadda ku xiran Saldhiga  Dhexe ee Booliska  magaalada Hargeysa.

Marwo Luul Xasan Mataan ayaa dhowr jeer ku eedeysan in uu  wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland  Maxamuud Axmed Barre Garaad faragalin ku hayaan xaruunteeda.

Wixii ku soo kordha warkaan deg-deg ah, dib ayaan idiinku soo gudbindoonaa.

Hiiraan Online
Hargeysa