4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Xildhibaan Keith Ellison iyo USAID oo kula wadatashi ah la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota, abaalmarina guddoonsiiyay dhalinyarada KA-JOOG (SAWIRRO)

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) - Kulan wada tashi ah oo uu soo qaban qaabiyay xaafiiska Congressman Keith Ellison oo ah Xildhibaan  laga soo doorto magaaladda Minneapolis, isla markaana warbixin looga dhageystay hey’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID  ayaa maanta ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Nancy Lindborg oo ah ku xigeenka dhinaca maamulka ee hey’adda USAID qeybteeda Dimoqraadiyadda iyo gar-gaarka caalimiga ah ayaa jaaliyadda uga warbixisay kaalmada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Xildhibaan Keith ayaa isna sheegay in dowladda Mareykan ay ka go’an tahay inay caawiso dadka Soomaaliya.

“Waxaa noogu darneyd markii dhibtaada abaaraha ay laba sano kahor ay ka dhaceen Soomaaliya, kaddibna meelaha qaar ay adkaatay in la tago sababo la xiriira ammaanka shaqaalaha hey’adaha” ayay tiri Nancy.

“SI loo bad-baadiyo dadka abaaruhu dhibaateeyeen waxaan go’aan ku gaarnay in maadaama aan raashin dadka la gaarsiin karin inaan lacag cadaan ah u qeybino qoysaska dhibaateysan, waxaana ku guuleysanay  inaan saro u qaadno dhaqaala qoysaska” ayay sii raacisay.

Nancy waxay sheegtay in NGO badan ay ka soo horjeesteen in lacago cadaan ah la qeybiyo, laakiin dowladda Mareykanku ay go’aankaas gaartay.

Sidoo kale waxay sheegtay inay diyaar garoow ugu jiraan sidii ay dowladda Soomaaliya uga caawin lahaayeen doorashada guud ee la filayo inay dalka ka dhacdo 2016 iyo aftida iyo dhameystirka dastuurka ee 2015.

Ka soo qeybgaleyaashii kulanka ayaa Hey’adda USAID uga mahadceliyay shaqada ay ka heyso Soomaaliya, waxayna sheegeen inay Jaaliyadda Minneapolis diyaar u tahay wixii looga soo baahdo oo caawimaad iyo talo ah.

“Waan uga mahadcelineynaa USIAD shaqada ballaaran oo ay dalkena ka heyso” ayuu yiri Salaad Axmed oo ka mid ahaa dadkii kulanka maanta ka soo qeyb galay.

Dhinaca kale Keith Ellison ayaa ururka dhallinyarada ee KA-JOOG ee qaabilsan wacyi galinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee Mareykanka wuxuu guddoonsiiyay abaal marin caalami ah, taas oo uu bixiyo Congresska dalka Mareykanka.

“KA-JOOG waa dhallinyaro Soomaaliyeed oo dadaalaya, shaqo muhiin ah ayayna bulshada u hayaan, waxayna muteysteen abaal marintan” ayuu Keith.