4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Safiirka Dowladda Talyaaniga u Fadhiya Somalia oo Maanta Safar ku Tagay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Andrea Mazzela ayaa maanta booqasho kusoo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Safiirka oo ay weheliyeen xubno ka tirsan hay'adda UNOPS  ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe kulan kula qaatay mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Kulanka dhex maray Madaxweyne Faroole iyo safiirka Talyaaniga waxaa sidoo kale ka qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Inkasta oo labada dhinac aysan ka hadlin qodobadii ay kulankooda iskula soo qaadeen, ayaa hadana warar madaxtooyada Garoowe kasoo baxay waxay sheegayaan, in booqashada Andrea Mazzela  ee Puntland ay salka ku hayso sidii uu ugu kuur geli lahaa mashaariic dhowr ah oo Talyaanigu uu maamulka Puntland ku taageeray.

Dowladda Talyaaniga ayaa bixisay dhaqaalaha ku  baxay dhismaha iyo qalabka, warbaahinta ku hadasha afka Puntland, waxay sidoo kale bixisay qayb ahaan dhaqaalaha geli doona dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland