4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM kormeerna ku sameeyey Xafiiska QM (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson, iyadoo kulankooda kaga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo QM, gaar ahaana taageerada Qaramada Midoobay u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, iyadoo kulankan diiradda lagu saaray sidii hay’adaha QM si dhow ula shaqeyn lahaayeen dawladda, gaar ahaana taageerada dhinacyada dib u dhiska hay’adaha dawladda, dib u dhiska dhaqaalaha iyo horumarinta siyaasadda.

Kulanka kaddib, ra’iisul wasaaraha iyo ku-xigeenka xoghayaha guud oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid miro dhal ah, ayna uga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka QM iyo dawladda Soomaaliyeed.

“Waxaan soo dhaweynaynaa socdaalkaJan Aliasson oo ah mid muujinaya sida QM ay daacadda uga tahay garab-istaageeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku ammaanaynaa howlaha baaxada leh ee ay ka wado Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid, isaga oo ku ammaanay Qaramada Midoobay kaalmada iyo is-garabtaaga dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarada dawladda ee dib u dhiska, sugida iyo xasilinta dalka iyo tayaynta hay’addaha dawladda, gaar ahaana kuwa maamulka maaliyadda.

Sidoo kale, ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Eliasson ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo Muqdisho, wuxuuna xusay in isbedel weyn iyo horumar uu ka dareemay, maadaama uu sidan oo kale booqasho ugu yimid sannadihii sagaashamaadkii xilligaa oo dagaalo ay ka socdeen dalka.

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in QM ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya, waxaana kala shaqeyneynaa sidii loo horumarin lahaa dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Elliason oo intaasi ku daray in QM ay ka go’antahay sidii loo horumarin lahaa dib u dhis xoogana loogu sameyn lahaa hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha iyo ku-xigeenka xoghayaha guud ayaa ku tagay kormeer xafiisyo cusub oo QM ay ka furatay Muqdisho, kuwaasoo uu ka shaqeyn doono wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya