4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
KENYATTA: “Waxaan Isticmaali doonnaa awood kasta oo shacabkeena aan kaga difaacayno Cadowga dhibaatada ku haya”

Photo/FILE  President Uhuru Kenyatta has said the government will use all means at its disposal to defend citizens from both internal and external aggression.
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay maanta inay xukuumaddiisu isticmaali doonto awood walba oo shacabkooda ay kaga difaaci karaan cadowga dhibaatada u geysanaya ee kaga imaanaya gudaha iyo dibadda.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay xoojinayso qalabka ammaanka lagula socdo ee lagu xirayo goobaha muhiimka ah sida xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi ku yaalla iyo meel kasta oo muhiim ah.

“Waxaan xaqiijinaynaa ammaanka dalkeenna innagoo kaashanayna UN-ka, ujeeddaduna waa in la xaqiijiyo ammaanka guud ahaan shacabkeenna. Waxaanan kordhinaynaa la socodka ammaanka,” ayuu yiri Kenyatta oo kula hadlay warbaahinta Nairobi.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga ee Westgate Mall bishii hore uusan joojin doonin howlaha ay dowladdiisa qaybta ka tahay ee lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka Soomaaliya.

Uhuru oo hadlayay kaddib kulan uu la qaatay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa wuxuu sheegay in weerarrada fulaynimada ah ee argagaxisadu ay ku qaadeen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan aysan hakad ku keeni doonin dagaalka ay xukuumaddiisu kula jirto argagaxisada.

“Kenya marna kama baaqsan doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada caalamiga ah. Waxaan sii wadaynaa wadashaqeynta nagala dhexeysa kuwa aan saaxiibbada nahay si loo burburiyo argagaxisada,” ayuu yiri Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Mr. Eliasson uu u xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay dowladdiisa si dhow ugala shaqeyn doonto dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah si loo adkeeyo ammaanka Bariga Afrika oo dhan.

Sidoo kale, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay inay Kenya ku ammaanayaan dadaallada nabadda Bariga Afirka algu raadinayo ee ay qaybta ka tahay.

“Qaramada Midoobay way aqoosan tahay kaalinta ay Kenya kaga jirto nabad raadinta dalka Suudaan iyo deggenaasho ku soo celinta Soomaaliya, “ ayuu yiri Mr. Eliasson. Isagoo ballanqaaday Qaramada Midoobay ay xoojinayso si nabadda gobolka ay u noqoto mid wanaagsan.

Tan iyo markii ay Al-shabaab ku qaaday Kenya weerar qaatay dhowr casho oo xiriir ah, waxay madaxda Kenya ku celcelinayeen inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya