4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Prof. Jawaari oo Shaaciyay in dib loo dhigay Ballantii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku Hor-imaan lahaa Baarlamaanka

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta shaaciyay in dib loo dhigay ballantii ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirka maaliyadda ay ku horimaan lahaayeen baarlamanaka Somalia si ay uga horjeediyaan miisaaniyadda sannadka dalka.

Jawaari ayaa xidhibaannada u sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu codsaday in dib loo dhigo ballanta, maadaama ay xukuumadddu ku mashquulsan tahay miisaaniyadda sannadka soo socda, taasna waan ka aqbalnay.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu codsaday inay baarlamaanka horyimaadaan 16-ka bisha soo socota ee November, guddiga wuu diiday innagana waan ku raacnay, waxaanse isla garanay in ra’iisul wasaaruhu uu horyimaado golaha baarlamaanka 14-ka bisha November, wasiirka maaliyaddana uu horyimaado 16-ka bisha November,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Isagoo sharraxaad ka bixinayay dib u dhigista ballanta oo ahayd in maanta uu ra’iisul wasaaruhu horyimaado golaha baarlamaanka si uu uga jeediyo khudbad ku aaddan howlihiisa iyo miisaaniyadda ayuu sheegay inay garteen in dib loo dhigo maanta ay ku mashquulsan yihiin diyaarinta laba miisaaniyad oo kala ah mid horumarineed iyo middii ay dowladdu ku shaqeyn lahayd.

“Maadaama ay ku mashquulsan yihiin diyaarinta laba miisaaniyadood oo ay markii ugu horreysay horkeenayaan baarlamaanka waxaan garannay in dib loo dhigo ballanta, si ay howshooda ugu soo dhameystaan xilliga ka harsan ballanta,” ayuu hadalkiisa raaaciyay guddoomiyaha.

Horraantii bishan ayay xildhibaanadu isku raaceen in ra’iisul wasaare Saacid uu horyimaado baarlamaanka maanta oo ay bisha Oktoobar ku beegan tahay 26-ka uu u jeediyo khudbad ku aaddan waxqabadka xukuumaddiisa halkii sano ee ay shaqeynaysay iyo howlaha u qorsheysan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii ula xisaabtami lahaa xukuumadda Soomaaliya, waxaana jira guddi-hoosaadyo la shaqeeya dhammaan wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya