4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Xildhibaanada Baarlamanka uga jawaabay su’aalo laga weydiiyay Heshiiska Shirkadda FAVORI

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Is-gaarsiinta, boostada iyo gaadiidka Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta mar kale hor-tagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay heshiis ay xukuumaddu la gashay shirkad lagu magacaabo FAVORI LLC oo maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciilmooge ayaa xildhibaannada u akhriyay heshiiska qaybtiisii labaad, isagoo sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu horumariyo adeegyada gaadiidka dalka sida garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo uu xusay in xukuumaddu ay xaq u leedahay inay gasho.

“Wasaaraddu awood iyo sharciba waxay u leedahay inay ogolaato hagaajinta, dib u dhiska iyo horumarinta hannaanka gaadiidka Soomaaliya oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle. Shirkaddana waa mid ku xeel-dheer arrimo badan oo isugu jira dhismayaasha nabadgalyada ee gaadiidka iyo maamulka,” ayuu yiri wasiirka oo sharraxayay heshiiska ay la galeen shirkadda FAVORI oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in shirkaddu ay awood u leedahay inay fuliso heshiiskan, isagoo xusay in ujeeddada heshiiskan uu yahay sidii lagu sameyn lahaa garoonka, isagoo xusay in shirkadda oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay, dib u soo nooleynta, horumarinta iyo dayactirka dib u dhiska garoonka calaamiga ah ee Aadan Cabdulle, isagoo xusay in faahfaahinta ay ku qoran tahay heshiiska loo qaybiyay.

Xildhibaanno ka hadlay kulanka ayaa qaarkood sheegay in qodobbo ka mid ah heshiiska la caddeeyo halka kuwo kalena ay soo dhaweeyeen heshiiska, waxaana su’aalihii ay xildhibaannadu soo jeediyeen ka mid ahaa inaysan ahayn kuwo cad dhaqaalaha ku baxaya, sida inuu yahay mid deeq ah, sidoo kale daqliga labada shirkadood waa tii hore ee garoonka maamulkiisa haysay ee SKA iyo midda hadda FAVORI iyo in shirkaddu tahay mid caymis ku jirta iyo in kale.

Wasiirka oo su’aalaha ka jawaabayay ayaa yiri: “Haddaan tusaale bixiyo SKA waxay ku billowday daqliga ay dowladda kusoo wareejinayso 35%, waxaana gaarsiinnay 40%. Balse shirkaddan cusub waxay ku billaabaysaa 45%, waana caddanay saddexda sano ee soo socota halka la gaarsiin karo. Isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaya uu gaarayo 18-milyan oo doollar.”

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo soo xiray fadhiga ayaa sheegay inay is-qoreen afartan xidhibaan ayna su’aalahooda jeediyeen 12-mudane, kuwa dhimanna ay berri oo Axad ah wasiirka weydiin doonaan su’aalahooda.

Sharci-hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in heshiis walba oo ay dowladda Soomaaliya gasho uu maro saddex akhrin, kaddibna xubnuhu ay ka doodayaan sidii heshiiska ayna ugu dambeyn cod u qaadayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya