4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Qarax Miino oo ka dhacay Kismaayo iyo dad loo Qab-qabtay Falkaas

Sabti, October 26, 2013(HOL) :- Qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa saaka ka dhacay xaafadda Farjanno gaar ahaan agagaarka Suuqa Yaasiin, waxaana qaraxani uu ahaa mid aad u weyn.

Miinadan oo lagu diyaariyay bartamaha wadada ayaa waxa saaka aroortii arkay dadka ku dhaqan xaafadaasi, waxaana la xiray dhaqdhaqaaqii wadadaasi, haseyeeshee Miinadii goobta ku aasnayd ayaa qaraxday kahor intii aysan soo gaarin ciidamadii ka socday maamulka ee lagu wargeliyay.

Goobjooge ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi, waxayna sheegeen in daryanka qaraxa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada.

Ciidamada maamulka Jubba ayaa howlgallo ay goobta ka sameeyeen ku qabqabtay dhowr qof oo looga shakisanyahay in ay ku lug leeyihiin qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo habeen kahor bam gacmeed lagu weeraray xarunta Warshadda Hilibka ee magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig u ah ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya