4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsan baarlamanka dalka Kenya oo ku baaqay in Qoxootiga Soomaalida Qaarkood la siiyo dhalasho


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay inay qoxoogtiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool ay dhibaato dhinaca amniga ah ku keeneen dalkeeda, ayaa arrintaas ka hadlay xildhibaan, Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorta deegaanka Faafi ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Mudanahan oo ah ku xigeenka guddiga difaaca baarlamaanka Kenya ayaa hadal uu siiyay idaacadda BBC-da wuxuu ku sheegay inuu qabo in xeryaha dalka Kenya ku yaalla la xiro, maadaama ay culeys badan ku hayaan dalka, loona qaybiyo qoxootiga afar qaybood.

“Anigu waxaan qabaa in qoxootiga afar qaybood loo qaybiyo qaarkood gaar ahaan kuwa ku dhashay xeryaha qoxootiga la siiyo dhalasahada Kenya, kuwo kalena la siiyo warqadaha qoxootinimada ah, kuwa kalena dalkooda lagu celiyo, kuwa afaraadna loo qaybiyo dalalka Yurub iyo Mareykanka,” ayuu yiri xildhibaan Shiil.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xeryaha oo lagu magacaabo, Macallin Daahir uu sheegay inay dhibaato ku noolaayeen muddo labaatan sano ka badan ay ku noolaayeen ciriiri ay tahay in dalkooda ay ku laabtaan, isagoo xusay in dhankooda ay dhibaato dhinaca daaqsinta iyo ammaanka ah ku qabaan qoxootiga.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in warar dhinaca sirdoonka ah oo ay heleen ay sheegayaan in kooxaha argagaxisada ah ay ku nool yihiin intooda badan xeryaha qoxootiga, isagoo xusay in taas ay caddeyn u tahay inaysan xeryaha Dhadhaab tegi karin hay’adaha gargaar, xitaa booliiska dalka Kenya aysan awood u lahayn inay galaan.

Mar la weydiiyay in guddiga difaaca baarlamaanka Kenya uu arrintan ka dhiganayo mar-marsiiyo lagu xiro xeryaha qoxootiga ayaa ku jawaahay: ”Dadka yaan been loo sheegin dalka Kenya waa dal xor oo 23-sano dadkan mati-geliyay mana dhacayso in xoog lagu celiyo, xukuumadda Soomaaliyana waxay doonaysaa dad ay xukumaan, mana ahan in dadkeedu ay dunida ku kala firirsanaadaan, waana in arrintan xal loo helo,” ayuu xildhibaanku mar kale yiri.

Ugu dambeyn, xidhibaanku wuxuu sheegay inay wadaan baaritaanno dhab ah oo ay ku xaqiijinayaan in xeryahan ay yihiin kuwo ay ku dhuuntaan wax uu ku sheegay kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatooyinka ka geystay Kenya.

Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo qaarkood halkaas dagay sannadkii 1991-kii markaas uu burbur ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya