4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Xukuumadda Kenya oo sheegtay in weerarrada ka dhaca dalkeeda laga soo abaabulo Magaalo Xeebeedda Mombassa

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay markii ugu horreysay in weerarrada laga geysto gudaha dalkaas laga soo abaabulo magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa, kaddib kulan magaaladaas ku dhexmaray wasiirka arrimaha gudaha dalkaas iyo Imaamyada masaajidda.

Joseph Ole Lenku oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay ku eedeeyay imaamyada masaajidda magaaladaas inay masaajiddaas ka dhigeen goobo lagu tababaro dhallinyarada Kenyanka ah ee Al-shabaab ku biiraya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mahadyo lagu barto diinta Islaamka oo ku yaalla degmada Mombassa loo adeegsado goobo lagu marti-geliyo dadka ka yimaada dibadaha ee doonaya inay Al-shabaab ku biiraan iyo kuwa dalka Soomaaliya ka yimaada.

Eedeyntan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo xukuumadda Kenya ay si toos ah ugu jeediso Imaamyada masaajidda dalka Kenya, iyadoo tani ay kusoo beegmayso kaddib muddo bil ah markii magaalada Nairobi uu ka dhacay weerar maalmo qaatay oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa baahiyay in wasiirku uu dingiin u diray imaamyada masaajidda, inkastoo digniintaas aysan sheegin, waxaana tan iyo markii ay billowdeen weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso dalka Kenya ay xukuumadda Kenya farta ku godaysay magaaladaas.

Magaalada Mombasa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Kenya ayaa waxaa  daggan Muslimiinta ugu badan dalka Kenya, iyadoo lagu tiriyo magaalooyinka ay Muslimiinta Kenya daggan yihiin.

Horraantii bishan ayaa waxaa magaalada Mombassa lagu dilay Sheekh caan ahaa oo ka mid ah culummada waaweyn ee dalka Kenya, kaasoo dilkiisa lagu eedeeyay ciidamada booliiska Kenya, waxaana toddobaadkii hore ka dhacay dalkaas dil loo geystay laba wadaad oo masiixiyiin ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya