4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo shaqada ka eryay 15-sarkaal oo ka mid saraakiisha waaxda socdaalka dalkaas

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Wasiirka Arimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa shaqada ka eryey 15 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee waaxda socdaalka kaddib markii lagu eedeeyay in dad ajaanib ah ay si sharci darro ah ku siiyeen warqadaha aqoonsiga iyo baasaboorada dalkaasi.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan baaritaanno la xiriira weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo qaatay muddo afar maalmood ah ayna ku dhinteen 67-qof.

Ole Lenku ayaa sheegay in saraakiishaas maxkamad la horgeynayo, isagoo dhinaca kale sheegay in saraakiil cusub oo dowladda ka tirsanaa ay ka hawl-geli doonaan waaxda socdaalka si ay u beddelaan saraakiisha la shaqooyinka laga eryay.

Saraakiisha cusub ayaa hawshooda waxay noqon doontaa dib u habeynta ay ku sameeyaan hawlaha waaxda socdaalka iyo ka hortagga musuqmaasuqii sababay in saraakiishii hore shaqooyinkooda ay ku waayaan.

Wasiirku wuxuu kaloo ku dhawaaqay in dowladdu ay billaabayso baaritaanno iyo dib u eegis lagu sameynayo waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorrada la bixiyay labadii sanno ee lasoo dhaafay, si loo hubiyo in si sax ah loo bixiyay iyo in kale.

Dalka Kenya ayaa waxaa sannadihii lasoo dhaafay laga bixinayay sharciyo ay dadku baasaboorrada dalkaas ku dalban karaan, iyadoo la sheegay in dadka qaadanaya ay bixiyaan lacago kumannaan kun oo doollar ah.

Lama oga waxa ay tallaabadan ka bedeli doonto bixinta baasaboorrada iyo sharciyada kale ee dalkaas oo lacago fara badan lagu qaato, iyadoo tani ay qayb ka tahay qorshayaal ay ku doonayso Kenya inay ku adkeyso amniga dalkeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya