4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Maamul Goboleedka Galmudug oo Mamnuucay in xiliyada habeenkii ah lagu wato Gaalkacyo Baabuurta Muraayadaha Madow

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in xilliyada habeenkii ah ay gaadiidka leh muraayadaha madow dhex-maraan xaafadaha Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulku.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Aweys Cali Siciid oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii ay arkeen in kooxo burcad ah ay kusoo gabadaan baabuurta yar-yar ee muraayadaha madow.

“Waxaan ku amraynaa taksiilayaasha wata gaadiidka mad-madow inaysan xilliyada habeenkii ah dhexmari karin magaalada, haddii lagu qabtana ay muran doonaan in maxkamad la horgeeyo,” ayuu yiri Aweys Cali.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in taksiilihii fasax ka qaata ciidanka ammaanka aanu wax dambi ah lahayn, balse ciddii fasax la’aan lagu qabto iyadoo maraysa xaafadaha Koonfurta Gaalkacyo uu mudan doono ciqaab iyo in maxkamad la horgeeyo.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhowr habeen ay ka dhaceen gudaha xaafadaha Gaalkacyo ee uu ka taliyo maamulka Galmudug dilal iyo weerarro ay geysteen kooxo hubeysan.

Maamulka Puntland ee waqooyiga degmada Galkacyo ayaa horay u mamnuucay in xaafadaha ay ka taliyaan lagu isticmaalo xilliyada habeenkii ah gaadiidka muraayadaha madow, inkastoo maamulka Galmudug uu soo dhaweeyay xilligaas in gaadiidka muraayadaha madow laga isticmaali karo xaafadahooda.

Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay u qaybsan tahay laba qaybood, iyadoo qayb ka mid ah ay ka taliso Galmudug halka qaybta kalena ay ka taliso Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya