4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Dagaal Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo Ahlusunna ku dhex-maray degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran waayadan u dhexeeyay ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Ahlusunna oo horay loo mideeyay, waxaana khilaafkooda uu ka billowday sida la sheegayo dilal iyo qaraxyo ka dhacay degmadaas.

Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca ee Koonfurta Somalia, Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaaddi ayaa sheegay in dagaalkan uusan ahayn mid u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Ahlusunna, balse uu yahay mid u dhexeeya ciidamo ka yimid degmada Doolow iyo kuwii dowladda iyo Ahlusunna ee horay ugu sugnaa degmadaas.

Sheekh Al-Qaaddi ayaa sheegay in ciidamadooda weerar lagu soo qaaday ayna iska difaaceen isagoo xusay in dagaalkaas uu dhaliyay khasaare isugu jirata dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tiradooda uusan sheegin.

Balse, xildhibaan ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna ee ku sugan degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, balse ay tahay maanta xaaladda degmadu mid deggen, inkastoo ay dhinacyadii dagaalamay weli ku sugan yihiin gudaha degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Dhawaanahan ayaa waxaa ka jiray degmadaas muran xooggan oo ka dhashay mas’uul bishii hore ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha degmadaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ee degmadaas ku sugan.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka ka dhacay degmada Balad-xaawo oo ku dhow xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya