4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo sheegay in Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku sugan yihiin degmadaas

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in qaybo ka mid ah degmada Huriwaa ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab, maamulkiisana uu wado qorshayaal ay ku doonayaan inay degmada kaga sifeeyaan.

Cumar Jacfaan ayaa sheegay in kooxahan Al-shabaab ka tirsan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool degmadaas, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ayna soo sheegaan ciddii ay u arkaan inay dhibaato waddo.

“Xaafado ka tirsan degmada waxaa ku sugan xubno Al-shabaab ka tirsan, waxaana shacabka ka dalbanaynaa inay qayb ka qaataan sidii ay hay’adaha ammaanka ugu soo wargelin lahaayeen,” ayuu yiri Cumar Jacfaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Huriwaa ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal xooggan ugu jiro sidii ay degmadaas uga saari lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu sheegay inay dilal iyo weerarro ka geystaan qaar ka mid ah xaafadaha degmada.

“Dadweynaha ayaa laga doonayaa inay ka shaqeeyaan ammaankooda oo ay kusoo wargeliyaan kuwa dhibaatada wada hay’adaha ammaanka, waana in shacabku ay ogaadaan haddii aysan sugidda ammaanka ka qaybqaadan inay dhibaatada ugu weyn iyaga gaarayso,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka guddoomiyaha degmada Huriwaa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu degmadaas booqday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

Xaafadaha SOS iyo Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa waxaa ka dhaca mararka qaarkood qaraxyo, weerarro iyo dilal qorsheysan oo ay geystaan xoogag taabacsan Al-shabaab.

Degmada Huriwaa ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka la sheego inay ku xooggan yihiin Xarakada Al-shabaab, iyadoo afhayeenno u hadlay kooxdan ay horay u sheegeen inay jiraan degmooyin ay xoogaggoodu ka taliyaan xilliyada habeenkii ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya