4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
JEN. GAAFOW: “Cidii lagu helo iyadoo wadata Baasaboorka cagaaran waxaa loo arkayaa inuu la shaqeeyo Al-shabaab”


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuuda ayaa sheegay in ciddii lagu helo isagoo wata baasabaoorka cagaaran ee Soomaaliga oo ah midkii hore loo aqonsan doono inuu yahay qof la shaqeeya Al-shabaab iyo kooxo kale oo argagaxiso ah.

Jen. Gaafoow oo wariyeyaasha kula hadlayay xarunta waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay ogoleyn in baasaboorkii hore ee Soomaaliga la isitmcaalo.

“Dowalddu waxay ogoshahay in la isticmaalo baasaboorka cusub ee E-Passport-ka ah, ciddii aan wadan ma tegi karto meel ka mid ah caalamka. Ciddii lagu helo baasaboorkii hore waxaan u aqoonsanaynaa inuu kooxda Al-shabaab la shaqeeyo, maxkamad ayaana la tiigsan doonnaa,” ayuu yiri Jen. Gaafoow.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhawaan ay soo saari doonaan sharciyo cusub oo ay tahay inuu soo maro qofka doonaya inuu baasaboorka Soomaaliga qaato, kuwaasoo uu ku sheegay kuwo lagu xaqiijinayo in qofka doonaya in baasaboorka uu qaato uu yahay Soomaali.

“Waxaan doonaynaa inaan dhawaan soo bandhigno habab cusub oo ay tahay inuu maro qofka doonaya inuu qaato basaaboorka Soomaaliga, kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu warqadda dhalashada kasoo qaato dowladda hoose iyo in ciidamada booliiska iyo maxkamaduhu ay ka qaadaan faraha,” ayuu taliyaha jiinsiyadaha iyo socdaalka.

Dhanka kale, taliyaha ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay heshiis kula gashay dalalka Yurub iyo Mareykanka inay dib u soo celiyaan qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool.

“Halkan waxaan doonayaa inaan ka caddeeyo in dowaldda Soomaaliya aysan jirin heshiis ay dalalka Yurub iyo Mareykanka ay kula gashay inay dib u soo celiyaan qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool. Balse waxaa jirta in dowladda cadaadis ah in dadka aan sharciyada la siin ee dalalka Yurub iyo Mareykanka ku nool ay la laabato, taasoo wadahadalkeedu uu socdo,” ayuu Jen. Gaafoow hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay in dalalka caalamka ay heshiis kula galeen inay aqbalaan baasaboorka cusub ee Soomaaliga, kii horena aan laga aqbalin qofkii sita, taasoo uu ku sheegay inay kaga hortagayaan in sharciga Soomaaliga si khaldan loo adeegsado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya