4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Bam Gacmeed Xalay lagu weerary Saldhig ay cidamada maamulka Jubba ku leeyihiin Magaalada Kismaayo
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay lagu weeraray xarunta Warshadda Hilibka oo ku taal xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig u ah ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Goobjoogeyaal ku sugan xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in weerarkan lagu qaaday xarunta Warshadda hilibka, waxayna sheegeen in ay maqleen qaraxyo iyo rasaaas xooggan oo ka danbeeysay.

"Warshadda Hilibka ayaa bambooyin lagu tuuray, ciidamadii meeshaa joogayna rasaas badan ayay fureen, mana garanayo cid wax ku noqotay," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Guulwade oo HOL u waramay.

Ma cadda qasaarooyinka rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, haseyeeshee saraakiil u hadashay maamulka Jubba ayaa sheegay in aysan jirin cid ku waxyeeloowday weerarka islamarkaana bambaanooyinka ay ku dhaceen meel bannaan.

Ma jirto ilaa imika cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, haseyeeshee weerarro kuwan lamid ah ayaa marar badan ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo masuuliyiinta maamulka Jubba ay aalaaba ku eedeeyaan xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.