4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Wasiirkii cadaaladda Maamulka GALMUDUG oo shalay Magaalada Hargeysa ku geeriyoodey Maantana lagu aasayo Gaalkacyo

Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Wasiirkii cadaaladda maamulka Galmudug, Sheekh Xijaas Macallin Maxamed ayaa shalay xanuun awgiis ugu feeriyooday magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado in maanta lagu aaso magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Geerida wasiirka ayaa la sheegay inay ahayd mid kadis ah, isagoo kusii socda dalka Itoobiya, halkaasoo uu ugu socday inuu isaga soo daweeyo xanuun dhinaca wadnaha oo xilliyadii uu dambe hayay.

Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa lagu wadaa in marxuumka maydkiisa la keeno magaalada Gaalkacyo si loogu aaso, waxaana haatan magaaladaas ka socda qaban-qaabada aaska wasiirkii hore ee cadaaladda Galmudug.

“Xilliyadii ugu dambeeyay marxuumku wuxuu ka xanuunsanaa wadnaha, si lama filaan ah ayuuna ugu geeriyooday shalay magaalada Hargeysa,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, mas’uulka ayaa sheegay in hadda ay qaban-qaabo ugu jiraan sidii loo aasi lahaa maydka wasiirkii hore ee caadaaladda Galmudug, iyadoo mas’uuliyiinta Galmudug oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka ay ku jiraan diyaargarowga aaska.

Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka mid yahay maamullada taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana maamulkan oo la dhisay shan sano ka hor uu ka taliyaa deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Wasiirkii hore ee cadaaladda Galmudug ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulkaas oo ku geeriyooda meel ka baxsan deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya