4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Wasiirka Difaaca Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Talyaaniga (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Faqi oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdulle Maxamuud, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), abaanduulaha, Jen.C/risaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil ka tirsan ciidammada xoogga dalka ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Talyaaniga uu horkacayay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Admiral Mantelli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo ciidan, iyadoo kulanka ay la qaateen mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga ay goobjoog ka ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, Jen. Muuse Xasan iyo danjiraha Talyaaniga ee Somalia, danjire Andrea Messella.

Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay oo ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa lagu lafa guray muddadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeynta iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya gaar ahaan milateriga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku dheeraaday horumarradii ugu dambeeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid; waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in la dardar-geliyo dadaallada ay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin ammaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRRO BADAN:

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab ay khatar ku yihiin amniga guud ee gobolka loona baahan yahay in si wadajir ah looga qaybqaato sidii lagu dabar-goyn lahaa.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, S/guuto Daahir Aadan Cilmi oo isna hadal ka jeediyay  kulanka ayaa tilmaamay in ciidamada milateriga u baahan yihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo tababbarrada si ay u dardar-geliyaan dadaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.

Jen. Indho-qarshe ayaa farta ku fiiqay in Somalia ay leedahay labo cadow oo kala ah Al-shabaab iyo burcad-badeedda kuwaasoo khatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida dalka iyo nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa kulanka isna ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka dalka Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli isagoo sheegay in Talyaaniga ay ka go’an tahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan milateriga iyo booliska wuxuuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay dowladda Somalia ka gaartay xagga nabadgalyada dalka oo ay ciidamadu magaalooyin fara badan ka saareen Al-shabaab.

Kulankaan ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii ay 17-kii bishii September magaalada Rome ku wada-saxiixdeen wasiirrada difaaca Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaasoo qodabbadii lagu gaaray ay ka mid ahaayeen qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada ciidamada xoogga si loo soo af-jaro jiritaanka Al-shabaab iyo xulafadooda ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya