4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Kulan looga Hadlay Xayiraadda uu Bankiga Barcalys Saaray Xawaalladaha Soomaalida oo lagu qabtay London (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayey saameynta ay yeelan karto xayiraadda uu bankiga Barclays ee dalka Ingiriisku kusoo rogey xawaaladaha Soomaalida ayaa ka dhacay magaalada London, waxaana kulankaas kasoo qayb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Britain Danjire Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, qaar kamid ah mas'uuliyiinta xawaaladaha Soomaalida, madax ka socotey hay'ado caalami ah, ganacsato, guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK Maxamed Ismaaciil Cilmi (Atoore)  iyo marti-sharaf kale oo badan.

Qaar ka mid ah dadkii kulankaasi intii uu socdey ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dhibaatada ka imaan karta haddii bankiga Barclays uu kusii adkeysto go'aankii uu horay u qaatay ee ahaa in uu xiri doono dhamaan akoonada ay shirkadaha ka shaqeeya xawilaadda lacagaha ee Soomaalidu ay bankigaas ku leeyihiin.

Dadkii arrintaas sida fiican u tilmaamay waxaa kamid ahaa Jonathan F. Brook oo madax ka ah mid kamida hay'adaha sama-falka ee ka howlgala Soomaaliya. Mr Brook ayaa xusay in xiyaaraadda bankiga Barclays ay horseedi doonto xaalad bini aadamnimo oo hor leh oo Soomaaliya soo food saarta, isago dhinaca kale maamulka Barclays ugu baaqay in ay arrintan si fiican uga fekeraan.

 

Cabdi Cabdilaahi oo ka tirsan madaxda shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in ay si aad ah uga xun yihiin go'aanka lagu joojiyey akoonadii uga furnaa Barclays, isagoo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nooli in ay arrintan iyaga oo mideysan hal meel uga soo wada jeestaan, islamarkaana ay cod dheer ku sheegaan sida ay uga xun yihiin, si beesha caalamku ay u aragto baaxadda dhibka jira.

Daggan Cali oo iyaduna kamid ahayd dadkii kulankaas ka hadlay, ayaa sheegtay in ganacsiga Soomaalidu uu si weyn ugu tiirsan yahay xawilaadaha, iyadoo tilmaantay in haddii Barclays uu xanibo akoonadooda ay taasi si toos ah saameyn ugu yeelan doonto ganacsiga Soomaalida oo markiisii horeba ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Bankiga Barclays ayaa bilo kahor shaaciyey in uu xayiri doono akoonnada ay bankigaas ku leeyihiin in ka badan 200 oo kamid ah shirkadaha xawilaadda lacagaha ka shaqeeeya. Shirkadaha uu bankigu xayiraada kusoo rogey waxaa ku jira ku dhowaad 10 ay Soomaalidu leedahay oo shirkadda Dahabshiil ay kamid tahay.

Sababta uu bankigu go'aankan u qaatay ayaa lagu sheegay in ay tahay maadaama ay shirkadahaasi yihiin kuwo aan buuxin shuruudaha lagama maarmaanka ah si loo xaqiijyo in lacagaha ay dirayaani ay yihiin kuwo sharciyeysan.

Hiiraan Online, London