4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Dagaal ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaan u dhexeeya Awdiinle iyo Ufuroow

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugn deegaan u dhaxeeya Fool-feyle iyo Awdiinle ayaa saaka weeraray saldhig ay Al-shabaab lahayd, dagaalkaas oo muddo ayaa la sheegayaa inay labada dhinac uga dhigteen sideed qof, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Goobta dagaalku ka dhacay waa goobtii ay jid-gooymey u tallaay Al-shabaab oo ku taalla waddada isku xirta degmooyinka Qansax-dheere  Ufurow oo ka tirsan gobolka bay iyo deegaanno ka tirsan gobalka Gedo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey dhaawacyada laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, waxaana dagaalkan uu imaanaya iyadoo lasoo shegayay maalmahan in dhaqdhaqaaq dagaal uu ka socdo deegaanada Bay iyo Bakool.

Hiiraan Online, Baydhabo