4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Rugta Ganacsıga Soomaalıyeed oo lagu soo Dhaweeyey shır looga Hadlayo Ganacsiga Adduunka oo ka socda Turkiga (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo ganacsiga Dunida oo ka socda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay xubno ka socda 180 dowladood, shırkado, urarro ıyo labada wasıır ee horuarınta dalalka Turkiga iyo Jarmalka.

Labada wasiir oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay ay muhiim u tahay ın qaabka ganacsı ee Soomaalıya looga faa’ııdeeysto qaladaadkıı ay waddamada kale sameeyeen xaga bulshada ıyo deegaanka oo sanadkan shırku ku saabsanaa.

Waddamada halkaas ka hadlay waxaa ka mıd ahaa: Soomaaliya, Jarmalka, Turkıga, Gaana, Hındıya ıyo Meksıko.

Agaasımaha Rugta Ganacsıga Soomaalıyeed, Cabdi Abshir Dhoore oo shırka ka hadlay ayaa sı buuxa u fasıray sıda ay muhıımka u tahay ın Sooomaalıya laga caaawiyo arrimaha ganacsıga, bulshada ıyo deegaanka taasna ay tahay midda sababi karta horumar ay Soomaaliya ku tallaabsato.

“Caalamka way u cadahay ın ganacsıga ıyo bulshada haddıı aan la isku xirin uusan ganacsiga Soomaaliya noqon karin mid waara,” ayuu yiri Dhoorre oo soo bandhigay in Soomaalıya ay tahay meel ganacsıgu uu ka mıd yahay dhaqanka, taasoo labada wasıırrada e Jarmalka ıyo Turkıgu kaga hadleen dood shirka ka dhacday.

Rugta ganacsıgu waxay guntıga u xıratay ın ganacsıga Soomaalıya uu noqdo mıd aan gancsatada kalıya ka faa’ııdeysan ee bulshada ıyo deegaankaba la dhoowro, ayna tahay xuquuq muhıım ah, waxaa kaloo Rugta Ganacsıga ku dadaalaysaa sıdıı Soomaalıya loo maalgashan lahaa.

“Waxay rugtu ka dhaadhicinaysaa ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay dalka u maal-gashan lahaayeen ka hor intii ay maal-gashi ku sameysan lahaayeen dalal shisheeye,” ayuu yiri Cabdi Dhoore. Isagoo ugu dambeyn sheegay inay taasi soo muuqan doontaa marka ay bıllowdaan ganacsatada mashaariic cusub oo ay dalka ka hirgeliyaan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya