4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo looga hadlay kulanka Xuquuqul Insaanka Afrika ee ka socda dalka Gambia (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Banjul ee dalka Gambia ka socda shirka xuquuqul insaanka Afrika, waxaana si xoog leh uga qaybgalaya bushada rayidka Soomaaliyeed iyagoo si weyn uga hadlayay dhibaatada ka jirta dalka, gaar ahaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay, Xasan Shire Sheekh oo ah agaasimaha fulinta ee barnaamijka difaacayaasha xuquuqul insaanka ee bariga iyo geeska Afrika, isagoo sheegay in xaaladda dalalka bariga Afrika ee xuquuqul insaanka ay tahay mid meel xun maraysa oo uu sii badanayo cadaadiska lagu hayo xuquuqul insaanka.

Sidoo kale, Xasan Shire ayaa si buuxda uga warbixiyay xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Sudan, Koonfurta Sudan, Rwanda, Uganda, Burundi iyo Kenya kuwaasoo uu ku sheegay in marka la isku wada-geeyo ay tahay mid aad looga naxo oo u baahan in wax laga qabto.

“Waxaa dalalkan ka jira dhibaatooyin sii kordheysa oo loo geynaysanayo suxufiyiinta, haweenka iyo difaacaysha xuquuqul insaanka; waana mid dareen weyn nagu reebtay waxaana loo baahan yahay la kordhiyo ololaha lagu difaacayo dadka u taagan dufaacitaanka xuquuqul insaanka,” ayuu yiri Xasan Shire oo khudbad ka jeedinayay fadhigan oo ah 54-aad ee dalalka Afrika ay yeeshaan.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Cumar Faaruuq Cusmaan isagoo ka warbixiyay xad-gudbyada xoriyatul-qowlka iyo xoriyadda suxufiyiinta, isagoo hogaaminayay wafdi ka kooban shan xubnood oo ka kala socday dalalka ku yaalla bariga Afrika, wuxuuna si qoto-dheer uga hadlay dalka Soomaaliya.

Cumar Faaruuq wuxuu sheegay in tan iyo markii la sameeyay dowladda federaalka Soomaaliya ay sii badanayaan weerarka lagu hayo suxuyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya. Isagoo hoosta ka xariiqay in dilalka wariyyeaasha ay ka dambeeyaan dad kasoo horjeeda dowladda oo doonaya inay xasillooni-daro dalka ka abuuraan, iyagoo farriintooda marsiinaya dilka iyo dhibaateynta suxufiyiinta.

“Sharciga qabyada ah ee saxaafadda ayaa ah sharci si weyn ugu xad-gudbaya xoriyadda saxaafadda; waxaadna arkaysaa in lala dhuumanayo diyaarintiisa ujeedkuna uu yahay sidii loo cuburin lahaa saxaafadda xorta ah,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Dhanka kale, kulanka waxaa ka qaybgashay Ilwaad Elman oo ka socotay xarunta xuquuqul insaanka ee Elman, iyadoo ka warbixisay dhibaata loo geysanaayo haweenka Soomaaliyeed iyo sida xuquuqdooda loogu tumanayo.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya