Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Hay’adda samaflka International Human Development Organization oo ah hay’ad ka howlgasha dalka Canada ayaa waxay gargaar hilbo ah ka qaybisay deegaanno Soomaaliya ka tirsan iyo xerada Qoxootiga Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Gargaarkan oo ahaa mid loogu talogalay Ciidul-Adxa ayaa waxaa gacan ka siiyay hay’adda, hay’ad kale oo caalami ah oo lagu magacaabo Human Concern International, waxaana gargaarka loo qaybiyay qoysas fara badan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Deegaannada gargaarka laga qaybiyay ayaa waxay kala yihiin: Buulo-mareer iyo Marja oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kaam ay ku jiraan dad indhoolayaal ah oo ku yaalla Muqdisho iyo xerada Qoxootiga Xagar-dheer.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected] Muqdisho, Soomaaliya